Xaafada Bilkhayr Xaabo oo wareegii 3aad ee barnaamaka aqoonta kadiska SBC usoo baxday

Xaafada Bilkhayr Xaabo oo sanadka markii ugu horaysay Xaafadaha Magaalada Xaabo ee Degmada Caluula Gobolka Gardafuu oo Caaway wacdaro ka dhigtay tartan aqooneedka Kadiska SBC ee Bisha Ramadaan ayadoo caaway ka badisay xaafada Xorgoble Qardho ee Gobolka Gardafuu.

Labadan Xaafadood ee Bilkhayr xaabo iyo xorgoble Qardho ayaa waxaa dhexmaray tartan aqooneed la isku weydiinayay 12 su'aalood waxyna midiiba laheyd 6 islamarkaana u qabsaneysay qaab lambar dorasho ah.

Gudiga Tartanka iyo labada xaafadood ayaa u guda galay Barnaamijka waxaana muuqatay xamasada iyo dadaalka xaafad kasta ay ku dooneysay in ay guushu ku raacdo.

Wuxuu kulanka socdaba waxaa ugu dambeyntii uu ku soo gaba gaboobay Xaafada Bilkhayr xaabo oo la timid 10 Dhibicood halka xaafada kale ee Xorgoble Qardho oo latimid 6 dhibcood oo kaliya sidaasna Guushu caaway ku raacday Xaafada Bilkhayr xaabo00 usoo gudubta wareega 3-aad ee ka kooban 6 xaafadood ,

Kediska ramadaanka SBC waa Barnaamij sanadkasta xiliga bisha ramadaan lagu tartan siiyo xaafadaha ka kala dhisan magaalooyinka iyo deegaanada Puntland, waxaana sanadkan ka qeyb galaya 24 xaafadood .

Maamulka iyo shaqaalaha Shabakada Baargaal waxay aad iyo aad ugu hanbalyaynaynaa dhalinyarada Xaafada sandhuubo ee usoo gudbay wareega lixda xaafadood

shabakada Baargaal.net
isha wararka horumarka Baargaal
Developed by Jago Desain