Xaafada Sandhuubo Baargaal ee Gobolka Gardafuu oo ka badisay Xaafada Ridwaan ee Gobolka Bari Kediska SBC

Caawa Barnaamijka Kediska Ramadaanka SBC waxaa ku kulmay Laba xaafadood oo ka kala dhisnaa Gobolada Gardafuu iyo Bari waxayna kala ahaayeen xaafada Sandhuubo Baargaal ee Gobolka Gardafuu iyo 26 juun Boosaaso Gobolka Bari Labadan Xaafadood ayaa waxaa dhexmaray tartan aqooneed la isku weydiinayay 12 su'aalood waxyna midiiba laheyd 6 islamarkaana u qabsaneysay qaab lambar dorasho ah.

Gudiga Tartanka iyo labada xaafadood ayaa u guda galay Tartanka waxaana muuqatay xamasada iyo dadaalka xaafad kasta ay ku dooneysay in ay guushu ku raacdo Wuxuu kulanka socdaba waxaa ugu dambeyntii uu ku soo gaba gaboobay Xaafada Sandhuubo oo la timid 9 Dhibicood , halka xaafada 26 juune ama ridwaan la timid 6 dhibcood oo kaliya waxaana sidaasi guushii ku raacday xaafada sandhuubo baargaal ee Gobolka Gardafuu

Kediska ramadaanka SBC waa Barnaamij sanadkasta xiliga bisha ramadaan lagu tartan siiyo xaafadaha ka kala dhisan magaalooyinka iyo deegaanada Puntland, waxaana sanadkan ka qeyb galaya 24 xaafadood.


SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Developed by Jago Desain