Xaafada Sandhuubo Baargaal oo wareegii 3aad ee barnaamaka aqoonta kadiska SBC usoo baxday

Xaafada Sandhuubo Baargaal oo sanadka 2-aad matalaysa Xaafadaha Magaalada Baargaal ayaa Caaway markii afaraad soo bandhigtay wacdaro aqooneed Aqoonta Kadiska SBC ee Bisha Ramadaan ayadoo caaway ka badisay xaafada geeldoora Baran.

Labadan Xaafadood ee sandhuubo Baargaal iyo geeldoora Baran ayaa waxaa dhexmaray tartan aqooneed la isku weydiinayay 12 su'aalood waxyna midiiba laheyd 6 islamarkaana u qabsaneysay qaab lambar dorasho ah.

Gudiga Tartanka iyo labada xaafadood ayaa u guda galay Barnaamijka waxaana muuqatay xamasada iyo dadaalka xaafad kasta ay ku dooneysay in ay guushu ku raacdo.

Wuxuu kulanka socdaba waxaa ugu dambeyntii uu ku soo gaba gaboobay Xaafada sandhuubo Baargaal oo la timid 6 Dhibic halka xaafada kale ee geeldoora Baran ayna nasiib u yeelan inay la timaado wax dhibco ah guushiina ku raacday Xaafada Sandhuubo Baargaal oo noqotay xaafadii ugu horaysay ee xaafadaha Puntland ee sanadka ka qaybgalaaya tartanka ee usoo gudubta wareega 3-aad ee ka kooban 6 xaafadood

Kediska ramadaanka SBC waa Barnaamij sanadkasta xiliga bisha ramadaan lagu tartan siiyo xaafadaha ka kala dhisan magaalooyinka iyo deegaanada Puntland, waxaana sanadkan ka qeyb galaya 24 xaafadood .

Maamulka iyo shaqaalaha Shabakada Baargaal.net waxay aad iyo aad ugu hanbalyaynaynaa dhalinyarada Xaafada sandhuubo ee usoo gudbay wareega lixda xaafadood

shabakada Baargaal.net
isha wararka horumarka Baargaal
Developed by Jago Desain