Xaafada Sandhuubo Baargaal oo wareegii 4aad ee barnaamaka aqoonta kadiska SBC usoo baxday

Xaafada Sandhuubo Baargaal oo sanadka 2-aad matalaysa Xaafadaha Magaalada Baargaal ayaa Caaway markii shanaad soo bandhigtay wacdaro xaga Aqoonta barnaamijka Kadiska SBC ee Bisha Ramadaan ayadoo caaway ka badisay xaafada dariska la ah ee Bilkhayr Xaabo

Labadan Xaafadood ee sandhuubo Baargaal iyo Bilkhayr Xaabo ayaa waxaa dhexmaray tartan aqooneed la isku weydiinayay 12 su'aalood waxyna midiiba laheyd 6 islamarkaana u qabsaneysay qaab lambar dorasho
ah.

Gudiga Tartanka iyo labada xaafadood ayaa u guda galay Barnaamijka waxaana muuqatay xamasada iyo dadaalka xaafad kasta ay ku dooneysay in ay guushu ku raacdo.

Wuxuu kulanka socdaba waxaa ugu dambeyntii uu ku soo gaba gaboobay Xaafada sandhuubo Baargaal oo la timid 13 Dhibicood halka xaafada kale ee Bilkhayr xaabo ay latimid 6 Dhibcood oo kaliya guushiina ku raacday Xaafada Sandhuubo Baargaal oo noqotay xaafadii ugu horaysay ee xaafadaha Puntland ee sanadka ka qaybgalaaya tartanka ee usoo gudubta wareega4-aad ee ka kooban 4 xaafadood.

Kediska ramadaanka SBC waa Barnaamij sanadkasta xiliga bisha ramadaan lagu tartan siiyo xaafadaha ka kala dhisan magaalooyinka iyo deegaanada Puntland, waxaana sanadkan ka qeyb galaya 24 xaafadood .

Maamulka iyo shaqaalaha Shabakada Baargaal waxay aad iyo aad ugu hanbalyaynaynaa dhalinyarada Xaafada sandhuubo ee usoo gudbay wareega afarta xaafadood , iyo sidoo kale xaafo Bilkhayr xaabo oo sanadka markii ugu horaysay ka soo qayb gashay barnaamajka .

shabakada Baargaal.net
isha wararka horumarka Baargaal
Developed by Jago Desain