Posts

Archive News :Baabuurkii u horeeyay Ee Ambalaas ah oo lagu wareejiyay Gudoonka Caafimaadka Degmada Baargaal ee Gobolka Bari.

Hay'adda DAI ayaa gaari Nooca Umbalance ah gudoonsiiyay Guddiga caafimaadka Degmada Baargaal ee gobolka Bari si loogu adeego bulshada ku dhaqan deegaanadaasi.

Gudoomiyaha Caafimaadka Gobolka bari siciid maxamed waraabe ayaa furayaasha iyo dicumentiyada gaarigan ku wareejiyay maama Istanbuul Cali aadan oo ah gudoomiyaha caafimaadka Degmada Baargaal iyo maamulaha MCH-ka Baargaal kadib munaasabad kooban oo lagu qabtay magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari taariikhdu markay ahayd 05 / 06 / 2 014

Maama Istanbuul Cali aadan oo u warrantay shabakada Baargaal.net markay dib ugu soo laabatay degmada Baargaal ayaa sheegtay in gaarigan loogu talagalay in uu u adeego dad badan oo ku dhaqan deegaanadaasi ayadoo ku tilmaantay tilaabo wanaagsan gaarigan ay Hay'ada DAI ugu deeqday Degmada.

maama Istanbuul Cali aadan ayaa sheegtay in Deeqdan Gaariga Ambalaaska ah qeyb weyn ka qaatay arimaha adeegyada caafimaad aasaasiga ah iyo xaaladaha deg deg ee Degaanka ka dhaca.

Archive News : waa qayb aan Ugu talagalnay inaan ku soo bandhigno warbixo horay u dhacay oo aan la faafin kadib codsiyo nooga yimi qaybaha bulshada waxaana nagala soo xiriiri kartaan email :
baargaal@gmail.com
BAAGAAL.NET
Isha wararka Horumarka Deegaanada calbari

Developed by Jago Desain