Baarlamanka Puntland oo ku howlan mooshin ka dhan ah Xukuumada C/wali Gaas

Wararka naga soo gaaraaya magaalada Garowe ee xarunta dawlad goboleedka puntland ayaa sheegaya in uu halkaasi ka socdo abaabul Mooshin ka dhan ah Xukuumada madaxwayne C/wali gaas oo ay wadaan qaar kamid ah xubnaha barlamaanka Dawlada puntland.

Xubnaha wada mooshinkan ayaa mooshinkooda u cuskanaaya arrimo ay ka mid yihiin
1-Dhaqaalaha sii xumaanaaya ee puntland,
2-Amniga deegaanada puntland oo sii liicaya.
3.Heshiisyada lala soo galay Shirkado Kaluumaysi oo khayraadkii badaha sii xaalufinaaya.
4. Mushahar la'an baahsan , sida cidamada, shaqaalaha dawlada oo aan muda lix bilood ah wax mushahar ah qaadan

Waxaana la filaaya in dhawaan Kalfadhi ay yeelan doonaan xildhibaanada Baarlamaanka Dawlada puntland loo gudbin doonyo gudoomiyaha barlamaanka puntland si loogu codooyo mooshinkan.

BAARGAAL.NET
Isha wararka deegaanada Calbari
Developed by Jago Desain