Barnaamijyada Si Lacag La'aan Ah aad ula Hadli karto Qaraabadaada Iyo Asxaabtaada Kala Jooga Dunida Dacaladeeda

Marka Hore waxaan Salaan Qiimo iyo qaayo leh u soo marinaynaa aalada internetka Dhamaan Akhristayasha Shabakada Baargaal.net gaar ahaan kuwooda Xiiseeya technoloogiyadaha Cusub ee Casriga Ah.

Sidaan horay u ballan qaadnay waxaan wadnaa Barnaamajka BAARGAALTECH oo ah barnaamij aan bulshada uga faaiidaynayno Arimaha La xiriira Technologiyada iyo computerka , internetka iwm .

Todobaadkan Barnaamijka waxaan kaga hadlaynaa barnamijyada Si Lacag La'aan Ah Aad Ula Hadli karto Qaraabadaada Iyo Asxaabtaada Kala Jooga Dacalada Dunida

Waxaa jira barnaamijyo farabadan oo suurtagal ka dhiga in lagu wada xiriiro maqal iyo muqaal iyo qoraal. Waxaana qoraalkan ku ogaan doonaa barnaamijyadaas qaar ka mid ah oo lacag la'aan ah loogu waci karo asxaabta iyo qaraabada ku nool daafaha dunida.

Barnaamijyadaas oo lagu shubto Telefoonada labada qof ee is-wacaya (qofka la wacayo iyo qofka wacaya).

Sidoo kale waxaa lagurakibi karaa computer-ada qofka wacaya iyo kan la wacayo.

Barnaamijyadaas waxaa ka mid ah:
1.Viber
Website: http://www.viber.com

Viber waxa uu kamid yahay barnaamijyada ugu caansan, looguna isticmaalka badan yahay (maqal iyo qoraal). Waxaana lagu waci karaa meel kasta oo dunida dacalladeeda ah oo leh adeegga telefoonada ku xiriirsan khadka internet xawaare wanaagsan ama WIFI tayo wanaagsan,

waxaana muhiim ah in Viber ku jiro telefoonada labada qof ee kuwada xiriiraya, haddii kale waa lacag.

Barnaamijka Viber waxaa lagu rakibi karaa Telefoonada gacanta sida Android, iOS(iPhone), Windows Phone iwm. Marka telefoonka lagu rakibo,waxaa calaamadda Viber ka muuqan doontaa telefoonnada asxaabta kuugu jirta qaybta xiriirka ee telefoonkaaga, waa asxaabta leh Viber – ee aad kula hadli kartid lacag la'aan

2. Tango
Website: http://www.tango.me

Tango waxa uu ka mid yahay barnaamijyada lagu wada xiriiro oo leh maqal iyo muuqaal iyo qoraal (text).

3. Skype
Website: http://www.skype.com

Skype waa barnaamijka loogu isticmaalka badan yahay ee loo isticmaalo in lagu wada hadlo oo leh maqal iyo muuqaal, qoraal toos ahna la isugu qori karo.

4. Fring
Website: http://www.fring.com

Fring waxa uu ka mid yahay barnaamijyada lagu wada xiriiro oo leh maqal iyo muuqaal.
5.Nimbuzz
Website: http://www.nimbuzz.com

Nimbuzz waxa uu ka mid yahay barnaamijyada lagu wada xiriiro oo leh maqal. Waxaana lagu rakibi karaa telefoonada gacanta ee loo yaqaanSmartPhones.

6. ooVoo
Website: http://www.oovoo.com
ooVoo waxa uu ka mid yahay barnaamijyada lagu wada xiriiro .
7. WhatsApp
Website: http://www.whatsapp.com

WhatsApp waxa uu ka mid yahay barnaamijyada lagu wada xiriiro (qoraal) iyo duubid cod maqal ah ( audio masage ), sanadka hore waa bilaash lakiin wixii ka danbeeya 1$ sanadkii

wixii su'aalo ah ama codsi ah Waxaana Nagala Soo xiriir kartaan
BaargaalTech
Email : baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain