Guddiga abaaraha ee dowladda Puntland oo wada qorshe loogu gurmanayo deegaanada abaaruhu aadka u saameyeen

Baargaal.net- Wasaaradda arimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Puntland ayaa maanta sheegtay in guddiga loo magacaabay wax kaqabashada abaaraha ay ku howlan yihiin sidii gargaar loo gaarsiin lahaa meelaha ugu darran ee ay abaaruhu saamayn xoogan ku leeyihiin.

Degmada Baargaal iyo tuulooyinka hoos yimaada ee gobolka Gardafuu ayaa guddigu sheegay inay yihiin dhulka ugu darran ee dhibaatada xoogan laga soo sheegayo sida uu saxaafada u xaqiijiyay wasiir ku xigeenka arimaha gudaha Qoob-deero.

Cabdullaahi Xaashi Qoob-deero oo lahadlay Radio Daljir ayaa sheegay inay khatar xoogan ugu jiraan dadka iyo duunyada inay u dhintaan biyo la'aan.

Qoob-deero wuxuu sheegay in qiimaynta abaaraha ee ay samaysay hay'adda maaraynta masiibooyinka Puntland ee HADMA ay la qeybsandoonto guddiga qaran ee abaaraha iyagoo kadibna u ambibixidoona dhulka abaaraha.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay dhawaan guddigu la kulmidoonaan hay'addaha caalamiga ah si la isaga kaashado marxalada haatan taagan.

Madaxweynaha dowladda Puntaland ayaa dhawaan ugu baaqay hay'addaha caalamiga ah iyo bulshada reer Puntland inay ka qeyb qaataan waxkaqabashada abaaraha.



BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka degaanada calbari

Wixii talo iyo tusaalayn ah waxaad noogu soo hagaajin kartaa Email:
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain