Posts

Hay'adda La Dagaalanka Maandooriyaha Ee Kenya Oo Soo Saaraya Sharci Cusub Oo Lagu Xakamaynayo Isticmaalka Cunista qaadka

Hay'adda dawladda Kenya u qaabilsan la dagaalanka isticmaalka maandooriyayaasha ee lagu magacaano (Nacada), ayaa daboolka ka qaaday in ay diyaarinayso sharci ay ku xaddidayso isticmaalka Jaadka oo si weyn looga beero loogana isticmaalo dalka Kenya., sidaana waxa shaaca ka qaaday Guddoomiyaha Hay'adaas Mohamed Fazul, oo waraysi khaas ah siiyay Warsidaha The Star, ee ka soo baxa Kenya.

Guddoomiyuhu waxa uu cadeeyay in ay ogaadeen in Jaadku ay ku jiraan Laba maandooriye ay ku jiraan saamayn togan ku yeesha fayo-qabka maskaxda ibna aadamka, sidaas daraadeed, kaddib markii ay ka baaraan dageen arrintan ay go'aansadeen in ay diyaariyaan sharci lagu xakamaynayo dhimista isticmaalka Jaadka iyada oo la eegayo caafimaadka dadka.

Guddoomiyuhu, waxa uu sheegay in sharcigaasi ay diyaarinayaan uu waajibinayo in isticmaalka cunistiisa Jaadka loo mudeeyay wakhti cayiman oo ka bilaabma Shanta saac ee Galabnimo kuna eeg Tobanka Habeenimo, isaga oo intaa ku daray ciddii ku xadgudubta Jebinta sharcigaas in laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

Dhinaca kale, Masuul sare oo ka tirsan Guddiga ganacsiga Jaadka ee Kenya, oo magaciisa la yidhaahdo Kimanthi Munjuri, oo ka hadlay dareenkiisa sida uu arko sharcigan ayaa sheegay in ay ayidsan yihiin xeerkan lagu xakamaynayo isticmaalka Jaadka, isaga oo ku sababeeyay in isticmaalka Jaadka iyo waxyeelada ba;an ee uu ku hayo dadka cunaa ay si xoog ah kor ugu kacday markii Jaadka laga joojiyay dalka Ingiriiska, oo Kenya looga dhoofin jiray Jaadka ugu badan.

Sidoo kale, Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Kenya, ayaa ku dooday in sharcigan cusub ee la soo saaray aanu ahayn mid ku filan joojinta waxyeelada Jaadka iyaga oo ku taliyay in baahida weyn ee loo qabo in gebi ahaanba dalka Kenya laga mamnuuco beerista, cunista, iyo ka ganacsiga Jaadka.

Dalka Kenya waxa ku yaala beeraha u weeweyn ee laga beero qaadka, waxaana dalka Kenya ka soo geli jiray Malaayiin Dollar jaadka loo dhoofiyo dalka Britain, oo u sii gudbi jiray dalal badan oo ku yaala qaarada Europe.

BAARGAAL.NET
Xafiiska Baargaal-Gobolka gardafuu
Developed by Jago Desain