Howlo biyo loogu dhaaminayo deegaano abaar & biyo la'aani ka jirto oo maanta magaalada Baargaal laga bilaabay

Gudi loogu magacdaray gudiga gurmadka abaaraha iyo ka qayb qaadasha dhaanka oo laga soo xulay odayaayasha, Ganacsatada iyo xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Baargaal ee gobolka Gardafuu oo loo xil saaray in ay u howlgalaan sidii loo gargaari lahaa dadka ay saamayeen abaarahu ayaa maanta bilaabay howlo biy loogu dhaaminayo deegaanadaasi.

Gudigan ayaa bilaabay barnaamij lacag loogu ururinayo dadka ay abaaraha iyo biyo la'aantu saameynta ku yeesheen ee deegaanka Waxaana isla markiiba booyadaha iyo gawaarida ka howl gala deegaanku ay bilaabeen biyo dhaamin iyo waraab iyadoo arintan ay wax garadka deegaanku aad usoo dhaweeyeen .

Gudoomiyaha Gudiga gurmadka abaaraha iyo ka qayb qaadasha dhaanka C/raxmaan maxamuud saalax oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay bilaabeen hawlaha biyo dhaaminta illaa hadana la gaarsiiyay deegaanadaasi dhawr booyadood kuwasi oo loo qeybiyay dad haraadsan oo biyo la'aan tii ugu xumeeyd ay la soo deristay.

gudomiyaha ayaa intaasi ku daray in deegaanada ugu daran ee biyo la'aanta ka jirto ay yihiin deegaanada conqoro, Muudiye, qoraxaad, taageer, hosingabo, abdeexaan, cuur, moqor,gondoli iyo deegaano kale.

Gudoomiyaha Gudiga Abaaraha iyo ka qayb qaadasha dhaanka C/raxmaan maxamuud saalax ayaa sheegay inkastoo dadkaasi aysan kaafin Karin biyahani la gaarsiiyay hadana ay bilaabayaan qorashayaal ka balaaran kan hada socda oo dadkasi biyo lagu gaarsiinayo wuxuuna baaq u diray jaaliyadaha iyo qof kasta oo kaalmo ka geeysan kara abaarah ka taagan Deegaanadaas hoos yimaada degmada baargaal ee Gobolka Gardafuu.

FG: hadaba si aad ugu qeyb qaadatid Gurmadka Abaarta jirta Wixii Kaalmo Ama Sadaqo Ah waxaad ugu hagaajin kartaa Gudiga Arintaas U Xilsaaran Oo Laga Helo,
Gudoomiyaha Gudiga Abaaraha iyo ka qayb qaadashada dhaanka Xildhibaan
C/raxmaan maxamuud saalax 00252-907722496
Afhayeenka Gudiga ahna G/Kuxigeenka gudiga Abaaraha C/Wali Maxamed Saalax 00252-907791948
Sahal A/C - 436921

Developed by Jago Desain