Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. C/wali Gaas oo Dalka dib ugu soo laabtay

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayey oo safaro shaqana ugu maqnaa dalka Dibadiisa Gaar ahaan Dalka Ethopia ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Dowladda Puntland.

Madaxweynaha iyo Wafdigii uu Hogaaminayay ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Garowe si weyn ugu soo dhoweeyey Madaxweyne Ku xigeenka Dawladda Puntland Cabdixakiin Cabdillaahi Xaaji Cumar Camey,Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire,Golayaasha Dawladda Puntland,Saraakil katirsan madaxtooyada Dowladda Puntland iyo saraakiisha sare ee ciidamada Puntland.
Dadweyne aad u fara badan Watayna Calamada Puntland iyo Soomaaliya kuna labisna dharka Hiddaha iyo Dhaqanka ayaa iyaguna ku diyaarsanaa Garoonaka diyaaradaha ee Garowe, waxayna si wanagsan uga qayb qaateen soo dhoweynta Madaxweyne Gaas iyo wafdiga uu hogaaminayey.

Madaxweynaha ayaa Saxaafada la halay kadib markii uu kaso dagay Garoonka diyaaradaha e magaalada Garowe waxaana uu fah faahin kabixiyeey Safarkiisi Addis ababa iyo waxyaabaha usoo qabsoomay.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka Deegaanada calbari
Developed by Jago Desain