Madaxweynaha dowladda Puntland oo sheegay inay jiraan abaaro xoogan oo ka taagan Puntland

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta shaaciyay in jirto abaar xoogan oo ka taagan guud ahaan gobolada Puntland sida uu kasoo xigtay hay'adda maaraynta masiibooyinka Puntland.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay hay'addaha ka shaqeeya arimaha la tacaalida abaaraha inay ka shaqeeyaan sidii wax looga qaban lahaa abaaraha xoogan ee saameeyay meelo badan oo kamid ah Puntland.

Wuxuu kaloo madaxweynuhu sheegay inay Puntland diyaar u tahay inay maal iyo xoog ku bixiso badbaadinta dadkeeda iyo duunyadeeda ee unugul abaaraha.

Wuxuu madaxweynuhu ka codsaday ganacsatada, culimada iyo ururada bulshada inay ukacaan wax uqabashada shacabkooda liita, Isagoo u sheegay inay dowladdu diyaar u tahay wixii garab oo ay ubaahan yihiin.

Ugu dambayn madaxweynaha ayaa ka rajeeyay hay'addaha Qaramada Midoobay inay ka qeyb qaadandoonaan howshaan adag.

BAARGAAL.NET
Isha wararka iyo warbixinada Deegaanada Calbari
Developed by Jago Desain