Posts

NGO Zanjabiil Relief & Development Organization oo Xafiis Ka Furatay Magaalada Baargaal

Munaasabad maanta lagu qabtey magaalada Baargaal ee gobolka Gardafuu ayaa lagu daahfurey Xafiiska Baargaal uu ku yeelanayo NGO la yiraahdo Zanjabiil Relief & Development Organization (Zardo) oo ah NGO ka shaqeyn doona samafalka iyo ka qeyb qaadashada gargaarka loo fidiyo dadka tabaalaysan , shaqa abuurka, Caafimaadka, waxbarashada iyo horumarinta iyo tababarida kaluumaysatada sida uu xaflada ka sheegay C/laahi muuse.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Degmada, Golaha Deegaanka,Ururka iskashatada kaluumaysatada, Waxgarad,Haween, iyo Ururada Dhalinyarada ayaa kasoo qeyb galay xaflada daahfurka ee maanta Baargaal loogu sameeyey xafiiska NGO-ga Zanjabiil Relief & Development Organization.

Wakiilka NGO-ga Zanjabiil Relief & Development Organization Mudane C/laahi muuse oo ka mid ahaa xubnihii madasha ka hadlay ayaa sheegay in NGO-goodu uu xooga saari doono dhowr qodob oo ay ka mid yihiin , ka qeyb qaadashada horumarka Deegaanka ka socda, asagoo sheegay inay taageero ka geysan doonaan sidii loo gacan siin laha kaluumaysatada deegaanka iyo sidii kor loogu qaadi laha xirfadahooda shaqo oo loo horumarin laha wax soo saarkooda iyo dhamaan meelaha kaloo u baahan waxqabashada sida caafimaadka,waxbarashada, iyo isdhexgalka bulshada.

Gudoomiyaha iskaashatada kaluumaysatada Baargaal c/kariin maxamed aadan oo ka mid ahaa dadkii ka hadlay munaasabada furitaanka ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay kasoo qeyb galida munaasabada lagu daahfurayo xafiiska NGO-ga Zanjabiil Relief & Development Organization asagoo intaasi ku daray inuu ballan qaadaayo inay iskaashatada kaluumaysatadu gacan ka geysan doonto taageerada dhalinyarada ay ka timid fikrada NGO-gan lagu aas aasey, asagoo hoosta ka xariiqay inuu aamisan yahay Horumar inuu soo kordhin doono Xafiiska NGO-gan uu Baargaal ka furtey.

Isku soo wada duuboo munaasabadan oo ku qabsoontey jawi aad u dagan ayaa intay socotay waxaa lagu soo bandhigay warbixino ka hadlaaya dhibaatooyinka keenay in uu hoos u dhac ku yimaado kalluumaysiga xeebaha Soomaaliya, iyo talaabooyinka looga gudbi karo

SAWIRO

Developed by Jago Desain