WHO: Dawada Ebola Degdeg Haloo Adeegsado

Baargaal.net Geneva- Hay'adda Caafimaadka Aduunka ee marka magaceeda la soo gaabiyo la yiraa WHO ayaa sheegtay inay arin saxan tahay in dadka uu soo rito xanuunka EBOLA lagula tacaalo dawooyinka aan weli tijaabadoodu dhamaan, si loola dagaalamo Faafista Viruska ee galbeedka Africa.

Hadalkan WHO ayaa soo baxay, xilli saraakiisha caafimaadka ee Liberia ay filayeen inay dawo lagu tijaabinayo dadka Ebola la xanuunsan ka helaan shirkad Mareykanka laga leeyahay.

Dawadan oo loo bixiyay ZMapp, weli laguma tijaabin bani aadam. In ka badan 1,000 qocf ayaa Ebola u geeriyooday tan iyo markii uu ka dilaacay galbeedka Africa bishii February, dadkaas oo badankood ku dhintay Guinea, Liberia iyo Sierra Leone.

BAARGAAL.NET
Geneva - Switzerland
Developed by Jago Desain