Wufuud kala duwan oo ku Qulqulaya Deegaanka Saax-dheer ee Gobolka Sool

Deegaanka Saaxdheer ee gobolka Sool ayaa waxaa ku qulqulaya wufuud ka kala socda dalka iyo dibaddiisa, kuwaas oo ka qaybgeli doona xafladda caleemo saarka madaxwaynaha Khaatumo, Cali Khaliif Galayr oo lagu wado in 28-ka lagu caleemo-saaro deegaankaas.

Wufuuddan ayaa waxay isu jiraan Garaaddo, Cuqaal, Wax-garad iyo Culumo kasoo jeeda gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn, waxaana xusid mudan inay ka qayb-galayaan xafladda caleemo saarka wufuud heer caalami ah oo lagu casumay madasha.

Deegaanka Saaxdheer ayaa si weyn looga dareemayaa abaabulka xafladda caleemo-saarka madaxwaynaha iyo qulqulka dadwayne baaxad leh oo ka qayb-geli doona xaflada caleema saarka madaxwaynaha dhawaan la doortay ee khaatumo state.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka Deegaanada Calbari
Email:baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain