Xaafada Sandhuubo Baargaal oo caawa ku guulaysatay Koobka barnaamajka kadiska aqoonta SBC ee sanadka

Xaafada Sandhuubo Baargaal oo sanadka 2-aad matalaysa Xaafadaha
Magaalada Baargaal ayaa Caaway markii ugu horaysay ku guulaysatay
tartanka Aqoonta Kadiska SBC ee Bisha Ramadaan ayadoo caaway ka
badisay xaafada Guryasamo Waaciye oo martigalinaysay xaflada
kamadambaysta.

xaflada kamadanbaysta ah ee barnaamajka oo si heer sare ay u
martigalisay Degmada Waaciye ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin
badan oo ay hor kacaayeen Gudoomiye ku xigeenka gobolka karkaar ,
gudoomiyaha degmada qardho , gudoomiyaha degmada carmo ee gobolka
bari , gudoomiyaha degmada waaciye iyo beeldaajaha Calbari beeldaaje
ismaaciil beeldaaje yaasiin iyo marti sharaf kale oo badan.

Labadan Xaafadood ee sandhuubo Baargaal iyo Guryasamo Waaciye ayaa
waxaa dhexmaray tartan aqooneed la isku weydiinayay 12 su'aalood
Gudiga Tartanka iyo labada xaafadood ayaa u guda galay Barnaamijka
waxaana muuqatay xamasada iyo dadaalka xaafad kasta ay ku dooneysay in
ay guushu ku raacdo.

Wuxuu kulanka socdaba waxaa ugu dambeyntii uu ku soo gaba gaboobay
Xaafada sandhuubo Baargaal oo latimid 6 dhibcood halka xaafada guryasamo Waaciye ay latimid 1 dhibic oo kaliya guushiina ku raacday xaafada sandhuubo Baargaal ayadoo hanatay koobkii iyo abaalmarintii booska koowaad

ugu horayntii waxaa ka hadlay munaasabada Gudoomiyaha kediska SBC
international liibaan Mashruuc oo ka hadlay sababta tartankan sanad
kasta loo qabto inay tahay sidii dhalinyaradda loogu jiheen lahaa
inay xilli kasta aqoonta baadi goobaan oo ka faaiidaystaa

intaasi kadib waxaa ka hadlay munaasabada musuuliyiintii ka soo qayb
gashay oo dhamaan aad u soo dhaweeyay barnaamajka iyo tartanka dhex
mara deegaanada iyo gobolada Puntland iyo isku xirka iyo is dhex galka
Bulshada

Waxaa sidoo kale khadka taleefanka kaga soo qayb galay asagoo London
Jooga gudoomiyaha Gobolka Gardafuu C/qaadir Yuuusf maxamuud iidi
asagoo aad ugu hambalyeey dhamaan ka soo qaybgalayaashii barnaamajka
iyo tartamayaasha iyo gudiga soo qaban qaabiyay barnaamajka ahamiyada
noocan u leh bulshada.

Gabagabada tartanka XaafadaSandhuubo baargaal ee ku guulaystay
kaalinta kowaad ee tartanka la guddoonsiiyay Koob,bilado iyo Check
lacageed oo ay ku qoran tahay kun Doolarka Maraykanka ah,halka Xaafada
Guryasamo Waaciye oo kaalinta labaad gashay la guddoonsiiyay
Koob,bilado iyo Check lacageed dhan shan boqol oo Doolar.

Xaafada Goljano ee degmada Waaciye oo gashay kaalinta saddexaad ayaa
iayana la guddoonsiiyay check lacageed ay ku qoran tahay labo boqol oo
Doolar.

Maamulka iyo shaqaalaha Shabakada Baargaal waxay aad iyo aad ugu
hanbalyaynaynaan Xaafada sandhuubo Baargaal iyo Bahda Waxbarashada
Degmada Baargaal ee gobolka Gardafuu oo caaway lagu tilmaamay inay
noqotay hoyga waxbarashda iyo sidoo kale dhamaan taageerayaasha
sandhuubo meel kastay Dunida Ka joogaan









Shabakada Baargaal.net
isha wararka horumarka Deegaanada Calbari
Developed by Jago Desain