Xaflad lagu abaalmariyay ardaydii kaalimaha ka galay imtixaankii Bisha Ramadaan degmada Baargaal

Xaflad weyn oo si qurux badan loo soo agaasimay oo lagu abaalmarinaayay ardaydii kaalimaha ka galay imtixaankii Bisha Ramadaan oo galabtay ka dhacday Dugsiga Xifdinta Quraanka kariimka iyo tarbiyada islaamka ee Daar Aw Cumar ee Degmada baargaal .

Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qaybgalay Nabadoono , cuqaal , waxgarad, Culamaaudiin ,Ganacsato , iyo Masuuliyiinta Maamulka Degmada oo uu horkacaayay Gudoomiyaha cusub ee Degmada Baargaal Mudane Abuukar Axmed Yuusuf (Indhacade ) waalidiinta dhalay ubadka wax ka barta dugsiga Daar-Aw cumar , macalimiinta, iyo maamulka dugsiga, waxaana halkaasi laga soo jeediyay khudbado dhiirigelin ah.

ugu horayntii waxaa Xaflada Lagu daahfuray aayado quraan ah oo uu akhriyay arday kamid ah ardayda Dugsiga daar Aw Cumar ,markaasi kadib waxaa hadalka furay maamulaha dugsiga Daar Aw Cumar Cawil jaamac Muuse Asagoo soo dhaweeyay masuuliyiinta iyo martida kale ee xafladda kasoo qayb gashay.

Waxaa kadib makarafoonka qabsaday nabadoonka nabadoonada degaanka Axmed salaad c/raxmaan , asagoo u hanbalyeeyay ardaydii kaalimaha sare ka galay imtixaankii bisha Ramadaan la qabatya ballan qaadayna ka qayb qaadashada barnaamajyada horumarinta Dugsiga

kadib waxaa hadalka qabsaday gudoomiyaha Cusub ee degmada baargaal Mudane Abuukar Axmed yuuusf ( Indhacade ) asagoo u hambalyeeyay ardayda iyo waalidiinta maantay caruurtoodu la abaalmariyay, aadna u amaanay doorka waalidiintu ku leedahay guusha ay gaareen ilmahoodu.

Ugu danbayntii waxaa abaalmarintoodii la gudoonsiiyay ardaydii kaalmaha sare ka galay imtixaankii bisha ramadaan



BAARGAAL.NET
Developed by Jago Desain