Agaasimaha guud ee ciidamada badda Puntland iyo wasiir ku xigeenka kuluumaysiga puntland oo safar ku maraaya gobolka gardafuu

Agaasimaha guud ee ciidamada badda Puntland ee PMPF Cabdinaasir Biixi Soofe iyo wasiir ku xigeenka wasaarada kuluumaysiga puntland Mahmoud M. Ali Gabax iyo masuuliyeen kale oo ka tirsan dowladda Puntland ayaa maalmahan booqasho ku maraya gobolka xeebta ah ee Guardafu.

Wefdigan ayaa maantay galinkii hore ku sugnaa Magaalada Baargaal halkaas oo ay shir kula qaateen xarunta Dawlada hoose ee Degmada Maamulka iyo Bulshada rayidka ah.

Wafdiga ayaa shirka kadib kormeer ku sameeyay magaalada ayagoo booqday xurumo ay kamid tahay Shirkada Kaluumaysiga Baargaal.

Dhinaca Kale Wafdigan ayaa magaalada soo gaarsiiyay 200 oo kartuun oo qayb ka ah deeq raashin oo 1000 kartuun oo gurmadkii abaaraha gobolka Gardafuu loo qoondeeyay.

Wafdiga Agaasimaha guud ee ciidamada badda Puntland iyo wasiir ku xigeenka kuluumaysiga puntland ayaa u sii gudbay xaga magaala madaxda Gobolka Gardafuu ee Caluula.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka Deegaanada Calbari
Developed by Jago Desain