DAAWO SAWIRADA: Haweeneeyda Dunida ugu Gacmaha Weyn

Haweeney 59-sano jir ah una dhalatay dalka Thailand ayaa la timaamay inay tahay haweenayda adduunka ugu gacmaha weyn xiligan , waxaana culeeska Gacmaheeda haweeneydan gaarayaan ilaa 9kg.

Duangjay Samaksamam ayaa mudo dheer waxa ay dhibaato xoogan ku qabtay culeeska iyo weyninka gacmaheeda oo ah kuwa xad dhaaf ah waxa ayna haweeneydan arintaasi u keentay caafimaad daro iyo dhibaatooyin kale.

Dhaqaatiir Caafimaad oo ay u tagtay Haweeneydan ayaa waxa ay ku wargaliyeen in xaalka gacmaheeda ay yihiin kuwa dhib badan aysana heyn xal aan aheyn in gacmaha laga jaro taas ay kasoo horjeesaty Duangjay Samaksamam.

Haweenaydan oo wadooyinka cunada ku iibisa ayaa xaaladan oo adduunka nadir ku ah la kulantay iyadoo yar, waxaanay ku haysaa xannuun aad u daran oo xataa mararka qaar ku keena in qaarkeeda sare ee jirkeeda in uu bararo.



BAARGAAL.NET
Layaabka dunida
Developed by Jago Desain