DEGDEG: Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar Iley Madaxweynaha Kiilka Shanaad oo xilkii laga qaadaayo

Warar hordhac ah oo aanu ka helayno ilo lagu kalsoonyahay oo katirsan Dawlad Deegaanka Soomaalida (DDS) ayaa sheegaya in Madaxwayne Cabdi maxamuud cumar Iley la damacsanyahay in laga qaado xilka Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Ethiopia.

Xil kaqaadista Madaxwayne Cabdi Iley ayay sida wararka na soo gaaraaya sheegayaan in kulan maalinta barito ah ay yeelan doonaan xubnaha gudiga fulinta Xisbiga Dimuqaradiga Shacbiga Soomaalida Ethiopia lagu casilo doono Madaxweynaha Kililka Shanaad.

gudiga Fullinta oo kakooban 11 xubnood ayaa waxaa ka soo horjeeda Madaxwayne Cabdi Iley 7 xubnood, codaynta beri wuxuu Xisbigu isku raaci doonaa in xilka laga xayuubiyo mudane ilay sida la saadaalinaayo.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka Deegaanada Calbari
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain