Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Gardafuu C/qaadir Yuusuf Maxamed iidi oo si wayn Magaalada Garoowe Loogu Soo Dhoweeyey.

Waxaa magaalada Garoowe ee caasimada dowaldda Puntland siweyn loogu soo dhoweeyey gudoomiyaha cusub ee gobolka Gardafuu mudane C/qaadir Yuusuf Maxamed Iidi.

Soodhweynta gudoomiyaha cusub ee gobolka Gardafuu C/qaadir Yuusuf Maxamed Iidi ayaa waxaa ka qayb qaatay Madax kasocotay dowladda Puntland, Maamulka gobolka Nugaal iyo shacabka ku nool magaalada Garoowe ee xarunta dowladda Puntland.

Gudoomiyaha gobolka Nugaal C/qani Xaashi Cali oo ka hadlay munaasibada soo dhawaynta gudomiyaha cusub ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin sidii ay gudoomiyaha cusub ugu caawin lahaayeen gudashada waajibaadkiisa shaqo , maadaama uu gobolku cusub yahay.

C/laahi Jaamac Quraan-Jecel afhayeenka xukuumada Puntland oo isna kamid ahaa waftigii soo dhoweeyey gudoomiyaha ayaa sheegay in gudoomiyaha looga fadhiyo sidii uu horumar u gaarsiin lahaa gobolka Cusub ee Gardafuu oo ah gobol hodon ah asagoo intaasi ku daray inay ku biirindoonaan wixiii talo iyo garab ah oo uu uga baahan yahay xaga xukuumada.

Ugu danbayntii waxaa ka hadlay munasibada Gudoomiyaha cusub ee gobolka Gardafuu C/qaadir Yuusuf Maxamed Iidi asagoo sheegay inuu u yimid sidii uu horumar taabo galah uga sameyn lahaa gobolkiisii cusub, Isagoo sheegay hay'addaha dowlada iyo qeybaha bulshada inuu ka filayo inay la shaqeeyaan oo ay ku garab istaagaan hormarka gobolka.



BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka Deegaanada Calbari
Developed by Jago Desain