Heeso Goos Goos ah oo Qoran: MA XURALCEYN LUULAA ?!!!

Heeso soomaali oo qoran

MA XURALCEYN LUULAA?!!!

Xúrálcéyñ Lúúlâ!! "
Ma laan bislaatayoo, "
Leyrano qurxoonoo, "
Laas xaredle ku talaa?! "
Ma Laban daruuroo, "
Nimco ku lamantaho, "
Lagu haraad baxaa?! "
Ma lakab Jeegaanoo, "
Sagal liishaamayoo, "
Laga jeesan karin baa?! "
Ma laac ubaxoo, "
Muuq laaxadsadayo, "
Indhuhu ka laabmaynin baa?! "
♥Laabtiyo maankiyo,
"♥Lubigaygu raaacye, "
Ma xuralceyn luulaa?!

WARSAN

Waxaan aleyliyo maalin,
"Sidii aar waax la jaray,
"Warsaney la goohayaa!!!
"Waa dhibta walwalkiyo,
"Walbahaarka jacaylkeee
"Weheey gubaya naftayde
"Wacaneey iisoo dhawowo,
"Walal iidhiib gacantaada,
"Aynu wadnayaal mid ahoo, "
Isweheshada noqone

YAA DEEQAAY?!!!

"Yaa dadkoo dhan, Deeqaay laga xushaa?...
"Yaa dareen kalgacal, Deeqaay loo qaadaa?...
"Yaa dookh caashaq, Deeqaay lagu raacaa?...
"Yaa dahrigaga kalsoni, Deeqaay logu daabacaa?...
"Yaa daacad dhabtii, Deeqaay loo noqdaa?...
"Yaa dabacsani hadalka, Deeqaay loo deeqsiiyaa?...
"Yaa dareen diirnaxa, Deeqay loo yeeshaa?...
"Yaa dagaaliyo dood, Deeqaay laga ilaashaa?...
"Yaa duunyiyo maal darti, Deeqaay looga hadhaa?...
"Ruuxa dunida kugu jecel, Deeqa dheemanay weeyaan,

WAA JOOKHIYO XARIIR

"Waa jeex doogliyo
"Laas xareed jiiftoo
"Nafta jeelka ka bi,inayee
"Waa jeegaan roobiyo
"Ubax jaah qurxoono
"Laga jeesan karaynee
"Waa jawhariyo luul
"Waa jookhiyo xariir
"Naftu jamanayseee
"Xubno jalaqsaneey
"IJiidatayoo Adigaa
"Naftayda jiitayoo
"Qalbigu kula jiraayeeeee
Developed by Jago Desain