HEES MURAN BADAN DHALISAY MOOGOOW SOOMAALIDU WAA MASHRUUC ¡¡¡

Waxaa mudooyinkan Inta badan haystay oo la soo dhigaayay baraha bulshada ku sheekeeysato sida Facebook iyo Twitter iyo maqaaxiyaha fadhi ku dirirka goboladda Somalia heestan uu sameeyay Wasiirka Arrimaha dibadda Somalia Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo kamid ah masuuliyiinta dhanka Fanka iyo suugaanta lagu yaqaan ayaa sameeyay Hees wax badan iftiimisay oo ugu magac daray "Soomaaliya Waa Mashruuc".

Heestan ayaa ka xanaajisay Madaxweynaha Somalia Xasan sheekh ,waxaana la sheegay inuu Ra'isulwasaare Cabdi wali u gudbiyay dacwad ka dhana Wasiir Beeyleh.

Miraha heesta oo dhamaystiran oo qoraal ah

Baytkii 1aad
1.Adaa moogoow hurdoo
2.Maqane joogaad tehee
3.Soomaalidu waa mashruuc
4.Galkaa maaxdeen dhammaan
5.Malabkaa doocaan ka baxa
6.Sidii midhihii Jannada
7.Adduunyadu muudsatoo
8.Muraad baa laga wataa
9.Adoon muran dheer u gelin
10.Mullaaxda ka qaado oo
11.Haddaan isku mowjadnahay
12.Adaa macnaha ila garan
13.Masiibada oogan iyo
14.Jabkay kula maagganyiin
15.Miyaan waanadu ku solin?
16.Xaggee hadal kaa maraa?

Hoorintii
1.Murtidu waxay daarran tahay
2.Haddoo la'is wada malmalay
3.Haddoy arrimuhu murggeen
4.Darkood meehannowdo iyo
5.Muxuu muusannow ku tari?

Baytkii 2aad
1.Adaa moogoow hurdee
2.Wax aan kuu muuqan iyo
3.Soomaalidu waa mashruuc
4.Muddaahanadeeda iyo
5.In aanay midoobi karin
6.Mataano rumaad ahayn
7.Rag baa maalo yaqaan
8.Malaayiin baa ku baxa
9.Wankii adhiga u mudnaa
10.Ninkaad soo mayrac tidhi
11.Cadduur meermeerka badi
12.Middiyo dhiigluu sitaa
13.Muskuu soo taagan yahay
14.Waxbaa meel la' isla dhigay
15.Muddadu dheeraatay oo
16.Waxay noqon mooyi talo

Hoorintii
1.Murtidu waxay daarrantahay
2.Haddoo la'is wada malmalay
3.Haddoy arrimuhu murggeen
4.Darkood meehannowdo iyo
5.Muxuu muusannow ku tari?

Baytkii 3aad

1.Adaa moogoow hurdoo
2.Maqaarsaar baad tehee
3.Soomaalidu waa mashruuc
4.Hadday magac weyn lahayd
5.Maamuus iyo sharaf badnayd
6.Maqaam sare lagu yiqiin
7.Markhaati waxaad ka tahay
8.Haddaanad is dhega marayn
9.Habeen baa u dumay madow
10.Maandeeq ololkeeda iyo
11.Waxay soo mudatay iyo
12.Madiixeedaa I dhibay
13.Muuqeedana waan arkaa
14.Haddana ma malaysan karo
15.Muxuu murugiyo xanuun
16.Qalbigu i maryaadayaa
Hoorintii
1.Murtidu waxay daarrantahay
2.Haddoo la'is wada malmalay
3.Haddoy arrimuhu murggeen
4.Darkood meehannowdo iyo
5.Muxuu muusannow ku tari?

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka Calbari
Developed by Jago Desain