Jaaliyada leicester City ee UK oo deeq lacageed gaarsiisay Guddiga Abaarha Degmada Baargaal (SAWIRRO)

Guddiga gurmadka abaaraha iyo ka qayb qaadashada Dhaanka Degmada Baargaal ee gobolka Gardafuu ayaa mahad balaaran u celiyayy Jaaliyada leicester City ee UK oo deeq lacageed oo loogu talo-galay in dadka abaaruhu iyo biyo la'aantu saameeyeen biyo loogu dhaamiyo iyo NGO Zanjabiil relief and development organazation( ZARDO) oo soo gaarsiisay Deeqdaasi.

Guddomiyaha Guddiga Abaaraha Degmada Baargaal C/raxmaan Maxamuud saalax oo ka hadlay munaasab kooban oo ay ka soo qaybgaleen maamulka Degmada oo ka dhacday xafiiska gudoomiyaha Degmada Baargaal Abuukar Axmad yuusuf oo lagu wareejinaayay Deeqda lacageed ayaa sheegay inay kasoo gaartay Jaaliyada leicester City ee UK Deeq lacageed oo dhan $1,000.

Waxaa sidoo kale hadal kooban ka jeediyay munasabada C/laahi muuse Maxamed oo ah wakiilka xafiiska NGO Zanjabiil Relief & Development Organization oo door wayn ka qaadatay soo ururinta iyn soo gaarsiinta Deeqdan gudiga Abaaraha Degmada Baargaal ayaa sheegay in Deeqdan ay maanta ku wareejinaayaan gudiga abaaraha ay ahayd deeq lacageed oo uu Xafiiskooda ka helay jaaliyada magaalada Leicter ee dalka Ingiriiska asagoo intaasi raacsiiyay in NGO-ga Zanjabiil mar walba u taaganyahay gurmadka iyo u gargaarida bulshada ku nool degaanka.

Bulshada Deegaanka ayaa aad u soo dhoweeyay deeqdan uga timid walaalahooda ku nool dalka ingiriiska gaar ahaan Magaalada leicester city, iyagoo ugu baaqay walaalaha kale ee dibadaha ku nool inay sidan oo kale u kaalmeeyaan dadka abaarta iyo Biyo La'aantu ay saameysay ee Deegaanka ku dhaqan.

Deegaanada Gobolka Gardafuu ayaa ka mid ahaa goobaha Abaaro iyo Biyo la'aan baahsan ay ka jirtay, waxaana mudooyinkii u dambeeyay socday dadaal uu waday guddiga abaaraha iyo ka qayb qaadashada dhaanka asagoo la kaashanayay Ganacsatada iyo jaaliyadaha dibada sidii ay walaalahood ugu gurman lahaayeen.



BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka Deegaanada Calbari
Email:Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain