Mujciso Rabbaani ah: Wiil 41 malmood Mar u Xuub-dhacsada Sida Maska

Dhakhaatiirta ayaa sheegay in wiilkan ay la soo deristay xaalad la yiraahdo Erythdrodrma, taasoo keenta in maqaarkiisu gebi ahaan 41 maalmood iska daadiyo xuubKa.

Wiil u dhashay dalka Indonesia oo la yiraahdo Ari Wibowo, ayaa sida maska u xuub dhacsada, waxana jirkiisa qariya xuub maqaarkiisa sare ka go'a, arrintaasoo noqotay mucjiso Rabbaani ah.

Sawir-qaade la yiraahdo Nurcholis Anhari Lubis, ayaa wiilkan yar ka diyaariyey warbixin isagoo muddo afar maalmood ah la joogay aqalkooda, kana qaaday muuqaallo aad u naxdin badan oo muujinaya sida Mr. Ari u xuub-dhacsado. "Waa xaalad murugo badan. Si caadi ah uma uu dhalan, sababtoo ah maqaarkiisu wuu daataa, waxaannu u ekaada sida qof gubtay markaad eegto kor ilaa hoos. Haddii aan oo aan biyo lagu qoyn jidhkiisu wuu adkaanaya, waxaannu noqonayaa sida qolofta oo kale," ayuu yidhi Lubis oo waraysi siiyey wargeyska Daily Mail Australia.



Qoyska wiilkan waxay la tacaalaan sidii ay ula daba tagnaan lahaayeen biyo, isla markaana uga ilaalin lahaa inuu qoyo, waxaanay dhibaato ka soo gaadhaa inuu carruurta kale u dhawaado, waayo kuwa la filka ah iyo kuwa ka yarba waxay ka cabsadaan xaaladdiisa.

Mr. Ari waxa uu dhigtaa waxbarasho, balse waxay dantu ku keliftaa inuu kaligii wax dhigto, maadaama bulshadu xaaladan ku takoortay.

"Wax dugsi ah ma aqbalo, sababtoo ah waxay ka cabsadaan maqaarkiisa iyo in xaaladdiisa uu u gudbiyo macallimiinta iyo ardayda kale," ayuu yiri Lubis.

Dadka deriska la ah ayaa rumaysan in Ari hooyadii dishay markay caloosha ku sidday xayawaanka loo yaqaan Qorrotada, taasina keentay in wiilkeedu xaaladdan noqdo, balse arrintaasi waa khurafaad ay aaminsan yihiin oo waa arrin Ilaahay keenay, sida dhakhaatiirtu sheegeenna aan daawo lahayn.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Developed by Jago Desain