Nimcaan Hilaac Heeso Qoraal ah oo xul ah

Fanaanka kasoo iftiimay Geeska Afrika iyo soomaaliya NIMCAAN HILAAC ayaa durbadiiba soo jiitay taageerayaal badan oo ku kala nool dunida dacaladeeda, markii uu waqti yar kusoo saaray heeso dhowr ah oo kala daran hadana kala macaan.

Waxaan Halkan Idinku soo gudbinaynaa heesa Kamid ah heesa Fanaanka Nimcaan Hilaac oo Qoraal ah daalacasho wacan.


Dabar 


Walow weeynu dookhiyo
daqanshada ka simanahay
qalbi ku darsaday baa
kalinimo dareemee
Ana doonistaadii
jirku weey i dubaaxshaye
nafta dabar ku xiraatay
ka jeclaaday dumarkee
Adigaan dugsiiniyo
kaa helay daryeeloo
qalbi daacadoo furan
igu deeqay yasmin
Jaceyl waa dareen
damac weeye, admiga
qalbigooda daga
oo arigtida ku daaree
Dakharadii i gaaree
diiftiyoo dhibtaan maray
adaa iga daweeyoo
dhabtaadan ku diirsaday
Adigaan dugsiiniyo
kaa helay daryeeloo
qalbi daacadoo furan
igu deeqay yasmin


Xalaawatu Luus 

Xasuusta ayaamo waan xanibnaa 
xanuunka jaceylku xoog u badnaa 
anoo xayirnaa, dartaa xawilnaa 
u xawilnaa xogteydiyo
 xaalka aan ku sugna 
aheyd mid xumeyd 
xasaasi aheyd 
adaa xuladkii Xamdaay 
damiyoo damiyoo 
Xalaal dhaladeey 
xalaawatu luus 
waxaad xubiyeey 
ku taal xabadkeey
 Kashii xabisneyd 
xoreysay hadeer 
xul baad tahay
 dhar xishoodka 
haween anuu xafidee
 dhankaaga xurmee
Developed by Jago Desain