Qarax Dhimasho & Dhaawac badan sababay oo ka dhacay Duleedka Muqdisho

Ugu yaraan 16 Ruux oo Shacab ay ayaa ku geeriyooday, 25 kalena way ku dhaawacmeen Qarax Maanta ka dhacay inta u dhaxaysa Muqdisho & Degmada Afgooye.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya Nooca uu ahaa Qaraxa ayaa sheegaya in uu ahaa mid loo adegsaday Gaari NOAH ah halka Wararka kalena ay leeyihiin wuxuu ahaa Miino Dhulka lagu aasay.

Qaraxa ayaa bartilmaameedkiisu ahaa Kolonyo Gaadiid ah oo uu la socday Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose, Maxa'ed C/qaadir Nuur Siiddi oo marayay meel u dhaw Deegaanka Xaawo Cabdi oo ku yaalla wadada isku xirta Muqdisho & Afgooye.

Wali ma jirto cid sheegatay Mas'uuliyadda Qaraxa ay Dadka badan ee Shacabka ah ku dhinteen ee Maanta ka dhacay Duleedka Magaalada Muqdisho,

BAARGAALNET NEWS
Baargaal City - somalia
Developed by Jago Desain