Posts

qorshaha Hubinta iyo tayaynta loogu samaynayo Shaqaalaha Dowlada Puntland oo meel fiican maraaya

Wasiirka Wasaaradda Shaqada,shaqaalaha,dhalinyarada iyo Cayaaraha Dowlada Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Axmed oo la hadlay Warbaahinta gudaha ayaa sheegay in meel wannaagsan uu marayo qorshaha Hubinta iyo tayaynta loogu samaynayo Shaqaalaha Dowlada Puntland.

Hubinta iyo tayaynta Shaqaalaha Dowlada Puntland ayaa qayb ka ah Dib u habaynta ay waday Dowlada Puntland,taasi oo ka mid ah Ajandayaasha Dowlada Puntland.

Wasiirka ayaa yiri
''Hawshu waa hawl muddo soconaysa waxaa ka mid ah tirada Shaqaalaha Dowlada aan ugu nimi tiro aad u badan,waxaa ku jira dad laba Mushahar qaata,oo laba meelood ku jira,Dib u habayntu waa in la saxo tirada iyo tayada Shaqaalaha'.

Wasaaradaha Puntland ayaa soo gudbiyay Shaqaalahooda,waxaana jira shir loo qabanayo Agaasimayaasha, Agaasimayaal Waaxeedyada iyo Bulshada rayidka ah,oo looga tashanayo Shaqaalaha iyo Caqabadaha haysta,taas oo Aas-aas looga dhigo Dib u habaynta Shaqaalaha.

Dowlada Puntland ayaa wadda dagaal xoogan oo ay ku hubinayso , Dib u habayn ugu samaynayso Shaqaalaha Dowlada Puntland.

BAARGAAL.NET
Developed by Jago Desain