Shirkada Samsung oo soo bandhigtay taleefanka Samsung Galaxy S5 mini Duos

Marka Hore waxaan Salaan Qiimo iyo qaayo leh u soo marinaynaa aalada internetka Dhamaan Akhristayasha Shabakada Baargaal.net gaar ahaan kuwooda Xiiseeya technoloogiyadaha Cusub ee Casriga Ah.

Sidaan horay u ballan qaadnay waxaan wadnaa Barnaamajka BAARGAALTECH oo ah barnaamij aan bulshada uga faaiidaynayno Arimaha La xiriira Technologiyada casriga ah iyo qalabka ku soo kordha waxaan kaga hadlaynaa todobaadkan mobilka Samsung Galaxy S5 mini Duos

Samsung Galaxy S5 mini Duos wuxuu inbadan la mid yahay Galaxy s5 Mini,kaliya waxa uu kaga duwan yahay waa isagoo leh laba kaar.

dad badan ayaa aad u jecel in ay iibsadaan taleefan labo kaarle ah.

Samsung Galaxy S5 mini Duos waxa uu soo baxay bishii la soo dhaafay ee August 2014, wuxuuna suuqyada caalamka soo galay isla bishii August 2014.

Talefankan waxa uu leeyahay shaashad 4.5 inch ah iyo Kayd ama Storage dhan 16 GB adigoo ku badsan kara microSD memory card gaaraya ilaa 64GB.

Samsung Galaxy S5 mini Duos biyaha magalaan waana Water Resistance, ciida iyo boorkana magalaan oo meelaha qoyaanka ah sida roobka, Jikada, musqusha iyo meelo kalaba waad ku sitic maali kartaa adigoo ka wal walayn in biyo galaan.

Laakiin waa hadii uu taleefanku ku dhoco biyo joogoodu yahay Hal mitir, waana in uusan ku jirin biyaha in aaan ka badnayn 30 daqiiqo.

Sidoo kale taleefankan waxa uu leeyahay Finger print sensor.

Galaxy S5 mini Duos waxa uu ku shaqaynayaa Android 4.4.2 kitkat.

Galaxy S5 mini Duos waxa uu leeyahay Camera gadaale oo 8 Mega Pixle ah, 3264 x 2448 pixels, waxayna leedahay Cameradaas autofocus iyo LED flash. waxay kaloo Cameradu leedahay Features-ka ay ka mid yihiin Geo-tagging, touch focus, face detection, HDR, panorama.


BAARGAAL.NET TECHNOLOGY NEWS
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain