Wadaado Buudiyiin ah oo u duca qaaday kooxda Leicester City inaan garoonkooda King Power Stadium looga badin

Sheekada ciyaartii kooxda Leicester City ay shanta gool ku garaacday manchester united ayaa la sheegayaa in guushaas weyn ay ka caawiyeen wadaado Buudiyiin ah oo kooxda xiriir la leh kuwaas oo garoonka kooxda Leicester u duceeyay inta aysan ciyaarta bilaaban ayna kooxda Leicester ku heshay guushii yaabka iyo amakaaga laheyd.

King Power Stadium ayaa lagu arkay sadax ka tirsan Buudistayaasha iyagoo fadhiya ka hor ciyaarta inta aysan bilaaban waxaana la sheegay in wadaadaan ay u duca qaadeen kooxdaan dhawaan ka soo baxday qeybta labaad ee league 1 waxaana la sheegay in ay Buudistayaasha u duceeyeen garoonka oo aan ilaa haatan looga adkaan.

Wadaadadan Buudiiska ah waxaa lagu soo dhaweeyay garoonka King Power Stadium ka hor bilowga horyaalka Ingiriiska, iyadoo ay taas sii dheer tahay in milkiilaha kooxda Vichai Srivaddhanaprabha uu isna ugu safray bariga fog la kulanka wadaadadan ka hor inta aysan imaan garoonka King Power.

Ducada Wadaadadan ayaa la leeyahay waxey sababtay inaan wali looga adkaan kooxdaan gurigeeda madama ay barbardhac kula galeen kooxaha Everton iyo Arsenal halka Mancehster United ay ku garaaceen waana sadexda kulan ay gurigooda ku ciyaareen xili ciyaareedkaan cusub.

Sidoo kale warbixinta waxaa lagu sheegay in dhamaan kooxda Leicester City ay booqdeen magaalada Bangkok ee thialand halkaas oo ah xarunta Buudiiska, iyagoo markaas u dabaal dagayay hanashada horyaalka heerka labaad ee dalka Ingiriiska bishii May.



BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka Deegaanada calbari
Developed by Jago Desain