WAR DEG DEG AH:DAGAAL KU DHEX MARAY KOONFURTA GAALKACYO BURCAD BADEED LACAG MADAX FURSHO QAADATAY

Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in goordhaw Koonfurta Magaaladaasi uu ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyay Kooxo Burcad Badeed Soomaali ah.

Dagaalka ayaa dhax maray kooxo Burcad Badeed ah oo dhawaan lacag madax furasho ah oo dhan 1.5 million oo dollarka Maraykanka ah,kusii deysay Wariye Mareykan ah oo in mudo ah ay heesteen wariyahaas oo lagu magacaabo Micheal Scott More, waxaana lasoo tabinayaa in dagaalka uu ka dhashay muran Kooxda Burcad badeeda dhax martay oo ku aadan lacagaha madax furashada ah ee qaateen.

Inta la xaqijiyay afar qof oo katirsan Kooxihii Burcad badeeda dagaalamay ayaa ku dhintay Dagaalka waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 11 ruux oo kale oo dad shacab ah ay ku jiraan , dadka dhintay ayaa la sheegay inay ku jiraan,qaar kamid ah madaxda ugu waaweyn burcad badeeda degaankaasi ,iyada oo ay wararka qaar sheegayaan in nin lagu magcaabo Cali Duulaa oo kamid ahaa Maalgeliyeyaasha Burcad badeeda inuu halkaasi ku dhintay.

Xiisad ayaa wali ka jirta Koonfurta Magaalada Gaalkacyo oo u dhaxeysa Kooxaha Burcad badeeda Soomaalida , mana jiro ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Galmudug State oo kataliya Koonfurta Gaalkacyo.

Xafiiska Shabakada
Baargaal.net
Baargaal Somalia
Developed by Jago Desain