Wasaarada Haweenka Puntland oo soo bandhigtay qorshaha shanta sano ee Wasaaradaasi

Wasaarada haweenka iyo arrimaha qoyska dowladda Puntland ayaa maanta soo bandhigtay qorsheheeda shanta sano ee soo socota, kaas oo diirada lagu saaridoono arrimo badan oo ay kanmid yihiin.

1. Tayeynta iyo kobcinta waxbarashada haweenka
2. Soo saarista dhalaankii hanan lahaa mustaqbalka Puntland.
3. Udoodista iyo uqareemida dhibanayaasha kusugan Puntland
4. U halgamida sidii haweenku xuquuqdooda diiniga ah uga heli lahayd Puntland.

Ugu horayntii waxaa madasha kahadlay Sayid oo kuhadlayey afka Hay'ada UNDP isagoona wasaarada ku ammaanay shaqanaag sheegayna in Puntland ay door muuqda siisay haweenkeeda.

Wasiirka wasaarada haweenka iyo arrimaha qoyska Puntland Anisa Xajji Muumin ayaa madasha kasoo jeedisay qorshaha shanta sano ee wasaarada iyo meelaha lagu abaaridoono.

Ugu dambayntiina waxaa munaasabada soo xiray Madaxweyne kuxigeenka Puntland C/xakiin C/laahi Cumar isagoona sheegay in haweenku ay kaalin muuqata kaga jiraan bulshada, ayna kasoo dhalaaleen shaqadii loo idmaday.

Dhinaca kalena Madaxweyne kuxigeenka ayaa hay'adaha uga mahadceliyey shaqada ay kawadaan Puntland, dowladduna ay diyaar u tahay isla xisaabtan dhab ah.



BAARGAAL.NET
Isha Wararka horumarka deegaanada Calbari
Developed by Jago Desain