Posts

Wasiirka Amniga Puntland Aloore ” Aqoonsi ayaan u samaynay Ciidanka Amniga “

Wasiirka wasaarada Amniga Puntland Xasan Aloore oo maanta kula hadlay saxaafada magaalada Garoowe caasimada Puntland ayaa sheegay in ciidanka amaanka puntland loo sameyn doono aqoonsi lagu aqoonsan doono taas oo ka hortagi doonta in la isku dhex qaldo .

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay mararka qaar ay dhacdo in dad aan ciidan aheyn ay soo qaataan dresska ciidanka iyadoo taasi ay qalad ku tahay ciidanka, islamarkaana talaabo sharci ah laga qaadi doono.

Waxa uu intaasi raaciyay wasiirku in cid kasta oo lagu dhex arko iyagoo hub ku dhex sidata magaalada la marin doono sharciga, hadii uu noqdo ciidan iyo hadii uu noqdo qof shacab ahba

Wasiirka oo sheegay dhowaan in l;a bilaabi doono hub ka dhigista shacabka ayaa kacodsaday dadwaynaha inay hubkooda kusoo wareejiyaan dowladda.

BAARGAAL.NET
Nagala Soo Xiriir
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain