Xisbiga Shaqaalaha oo ku guuleystay doorashada Sweden

Ra'iisal Wasaarihii hore ee dalka Sweden Mr. Fredrik Reinfeldt ayaa xilka ka degay kaddib markii Xisbiga Shaqaalaha Dalka Sweden ee Social Democrats uu xalay si weyn ugu guuleystay doorashadii dalka Sweden.

Ra'iisal Wasaaraha cusub ee dalka Sweden ayaa wuxuu noqday Stefan Löfven oo ah hoggaamiyaha xisbiga Social Democrats. Löfven ayaa soo dhisi doona dowlad ay ku jiraan Xisbiyada bidixda iyo doogga.

Xisbiga Social Democrats ayaa wuxuu xilka kala wareegayaa xukuumaddii isbaheysiga oo ka koobneyd afar xisbi, kuwaasi oo uu hoggaaminayay xibsiga Moderate-ka.

Xukuumaddii Isbaheysiga ayaa waxay xukumeysay Sweden muddo 8 sanadood ah, waxayna xilka qabatay sanadkii 2006.

Ra'iisal Wasaarihii hore Fredrik Reinfeldt oo taageerayaashii la hadlay markii doorashada looga adkaaday ayaa sheegay in doorashadii dhammaatay, dadka Sweden-na ay go'aansadeen aayahooda, wuxuuna intaas ku daray in uu berri (maanta) ku wareejinayo xilka uu hayo guddoomiyaha Baarlamaanka Sweden.

Xukuumaddii hore ayaa waxay howsha sii wadi doontaa illaa bisha Janaayo ee sanadkan soo socda, markaas oo ay si rasmi ah howsha ula wareegi doonto Xukuumadda cusub ee uu hoggaamiyo Ra'iisal Wasaare Stefan Löfven.

Arrin kale oo muhiim ah ayaa waxay tahay in xisbiga Sweden Democrats oo ah xisbi afkaartiisa tahay midigta fog, isla markaana ah mid cunsuri ah ayaa wuxuu noqday xisbiga seddexaad ee ugu weyn Sweden, taasina waxay walaac ku abuurtay dadka Swedish-ka ah ee aan siyaasaddooda rabin iyo dadka ajaanibta ah ee dalka Sweden ku nool.



BAARGAAL.NET
Wararka iyo warbixinada Aduunka
Developed by Jago Desain