Posts

33 Askari Oo Ka Tirsan Ciidanka Masar Oo Lagu Dilay Gobolka Sinai Iyo Xaalad Deg Dega Oo Lagu Soo Rogay Deegaankaasi

Xukuumadda Masar waxa ay saddex bilood oo xalad dagdag ah kaga dhawaaqday Waqooyiga gacanka Siinaay, kaddib markii ugu yaraan soddon askari lagu dilay baabuur qarax loo adeegsaday.

Waa dhacdadii ugu darnayd ee ciidammada soo gaarta mudo tobonaan sano ah.

Dhacdo kalana nin hubaysan ayaa saacado kadib saddex askari oo kale dilay. Ilaa iyo hadda ma jiro cid sheegatay in ay ka dambayso weerarkaasi.

Dhimashadaasi baaxada wayn ee Sinai ka dhacday waxa ay dhalisay talaabo dagdag ah oo ay xukuumaddu qaaday taas oo ah xaalad dagdag ah.

Xanibaadaha ay dawladdu soo rogtayna waxaa ku jira, bandaw iyo in la xiro xadka marinka Qaza.

Lakiin marinka rafax isagu waxa uuba iska xirnaadaa wakhtiyo dhaadheer Mana cada in arrintaasi ay xakamayn doonto weerarada loogu gaysto ciidammada Sinai, laakiin shacabku way dareemi doonaan saamaynta.

Mudo sanad ka badan ciidammadu waxa ay hawlgalo waawayn ka wadeen dhulka gacanka ah ee ay amnidaradu ku sii fidaysay laakiin way ku guuldaraysteen in ay joojiyaan rabshadaha.

Weerarada kacdoona ayaa bilawday kadib markii Millatarigu uu xilka ka tuuray Madaxwaynihii Islaamiga ahaa Maxad Mursi Bishii todobaad ee sanadkii 2013.
Inta badan weerarada waawayn waxaa sheegan jiray ururka ay Al-Qaacida ka shidaal qaata ee Ansaar Beit al Maqdis, ururkaas oo ah Malayshiyada ugu firfircoon ee Masar ka jirta.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka Deegaanada Calbari
Developed by Jago Desain