Baargaal: Ardayda fasalka 1aad oo waxbarashada Lacag la'aan looga Dhigay


Caruurta ku nool Degmada Baargaal ayaa helay Fursad cusub oo ay Waxbarasho Lacag la'aan ah ku helayaan kaas oo ay iska kaashadeen Maamulka Degmada iyo kan iskuulka Hoose /Dhexe ee Baargaal Xilli Sanadihii dambe ay badanayeen Tirada Ardayda Waxbaranaysa.

Gudoomiyaha Degmada Baargaal Abuukar axmad yuusuf oo dawr wayn ka qaatay in waxbarashada Fasalada 1aad lacag la'aan noqdaan ayaa sheegay in Caruurta iyo dhalinta yaryar oo waxbarasho la siiyo ay muhiim u tahay mustaqbalkooda, kan reerkooda iyo bulshada guud. sidoo kale waxay waxbarashadu muhiim u tahay nabadeynta iyo xasiloonida Deegaanka.

Gudoomiyaha ayaa wuxuu intaasi ku daray inay muhiim tahay in laga tashado sida caruurta wax loo bari lahaa, cidkastana ay doorkeeda ka ciyaarto sida dowlada, waalidka, macalimiinta,Ganacsatada, Siyaasiinta,qurbajoogta iyo bulshada guud ahaan.

Gudoomiyaha ayaa wuxuu amaan u jeediyay gudiga waxbarasha Baargaal iyo maamulka Iskuulka sida ay ugu dadaalayaan horumarinta waxbarashada Degmada, isagoo ku booriyay waalidiinta inay ka faaidaystaan fursadan ilmahoodana waxbarashada ku daraan.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka Deegaanada Calbari
Email: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain