Barnaamaj Wacyigalin Ah oo ku saabsan naasnuujinta Dhalaanka iyo caafimaadka hooyooyinka oo Baargaal lagu qabtay

Maamulka MCH-ka Degmada Baargaal ayaa ku qabtay xarunta MCH-Ka Magaalada Barnaamij wacyigelin ah kaas oo la isugu keenay hooyooyinka uurka leh , kuwa umulaha ah iyo ku nuujiya ilmahooda si looga dhaadhiciyo faa'iidada naas-nuujinta dhallaanka iyo sida ugu habboon ay u daryeeli-karaan Caafimaadkooda iyo kan dhallaanka.

Gudoomiyaha Caafimaadka Degmada Baargaal maama istanbuul Cali aadan oo jeedisay barnaamajka ayaa aad carabka ugu adkaysay faa'iidada naas-nuujintu u leedahay hooyada iyo dhallaanka ayadoo intaasi raacisay in la ogaaday nafaqo-darrada ilamaha haysta inay tahay naas-nuujin aanan loo samaynin dhallaanka yataantiisii.

Maama istanbuul cali ayaa sidoo kale sharxaad dheer ka siisay hooyooyinkii ka soo qayb galay barnaamajka wacyigalinta caafimaadka hooyada uurka leh iyo sida looga baahanyahay inay u dhaqanto muddada ayilmaha siddo ayadoo uga jawaabtay su'aalo badan hooyooyinkii kulankaas ka soo qaybgalay.

Waxaa muuqanaysa muddooyinkii ugu dambeeyay fahan wanaagsan oo bulshada deegaanku ay ka heleyaan arrimaha tallaalka caruurta iyo illaalinta caafimaadka guud ee hooyada iyo dhallaanka.


BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka Deegaanada Calbari
Email: Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain