Baro Website-ka Ugu Waxtarka Badan Xaga Waxbarashada

Inkastoo cinwaankani aad u weynyahay, lagana yaabo in ay markaba maskaxdaada kusoo dhacaan WIKIPEDIA iyo YOUTUBE, website-ka aan halkan idiinku soo gudbinayno waa website aanu filayno in uu labadan mawqic iyo kuwa lamidka ahba ka waxtar badanyahay.

Website-kan oo lagu magacaabo: www.learnerstv.com waa website lagu soo ururiyey kumanaan muuqaal (video) oo waxbarasho oo ay bixiyeen ama laga dhigay jaamacadaha iyo kuliyadaha adduunka ugu horreeya dhanka aqoonta.

Arrinta cajiibka ah ayaa ah in dhammaan waxa casharo muuqaal ama slides ah ee bogan ku jira aad si bilaash ah kaga soo dejisan karto (download), islamarkaana aan lagaaga baahnayn in aad is diiwaangeliso.

Website-kan waxaa ku kaydsan dhammaan mawduucyadan:
Medical Science,Maths and Statistics, Computer Science(IT), Engineering, Management and Accounting, Law, Nursing, Economics, Political Science, Languages, Communication(sida Public Speaking).

Waxa kale oo aad websitekan ka helaysaa kana download garaysan kartaa boqolaal kooras oo dhamaystiran oo hoos yimaada faylalka:
Biology , Physics , Chemistry, Dentist, Psychology, History, Literature, Philosophy, Astronomy.

Waxuunu kooras waliba ka kooban yahay muuqaalo dhamaystiran oo qaarkood boqolaal gaadhayaan.

NB: Waxa keliya ee lagaaga baahanyahay waa: browser wanaagsan siiba Google Chrome, Flash Player iyo Java . cashar kasta oo aad download
garaysanayso waxa kuugu garab yaala link aad kasoo dejisato.

KASOO DEJISO(DOWNLOAD)HALKAN:

Waxa kale oo aad halkan ka helaysaa PowerPoint Presentations.

Ka Faaidaysi Wacan

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka Deegaanada Calbari
Developed by Jago Desain