C/wali Gaas oo taageeray olalaha ciribtirka Qaadka ee Maamulka Puntland

Madaxwaynaha dowlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdi wali maxamed Cali Gaas ayaa taageeray barnaamijka la-dagalanka qaadka oo dhawaan kusoo wajahan gudaha deegaanadda Puntland ka dib kulan ay London ku yeesheen Mudane Abdiweli Gaas iyo Abuukar Cawaale Qaadiid.

Abuukar Qaadiid oo ah Gudoomiyaha la dagaalanka Qaadka ayaa sheegay Mudane Gaas inuu soo dhaweeay howlgalka ololaha la dagaalanka qaadka in uu si deg deg ah u gaaro Puntland oo wax ka qabto qaadka faraha badan ee lagu soo daabulayo maalin kasta magaalooyinka waa wayn.

Dhanka kale Madaxweyne Gaas ayaa ku tilmaamay howshan uu Qaadiid wado mid wax badan ka tari doonta mustaqbalka dhaw in deegaanadda maamulka Puntand oo badanaa dhaqaalahooda ay ka faa'ideen ganacsato reer Kenya ah.

Ugu dambeyntii, Tan iyo markii Ingiriiska laga mamnuucay qaadka ayaa waxaa gudaha wadanka Somaliya kusoo badanayay qaadka laga keeno Dalka Kenya, maadama suuqoodii ugu waynaa ee London laxiray

Shabakada Baargaal.Net
Isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari
Nagala soo Xiriir E-mail Baargaal@gmail.com
Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya
Developed by Jago Desain