Dilma Rousseff Oo Markii Labaad Ku Guulaysatay Madaxtinimada Dalka Brazil

Taageerayaasha madaxweynaha Brazil, Dilma Rousseff, ayaa dabaaldagayay xalay oo dhan kadib markii ay ku guulaysatay markii labaad madaxweynenimada Dalka Brazil Laakiin saddex boqolkiiba oo kaliya ayay ka badnayd ninkii la tartamayay Aecio Neves.

Dilma Rousseff ayaa khudbadeedii markii ay guulaysatay, waxay qirtay in loo baahan yahay heshiis qaran.

Dilma Rousseff ayaa la kulantay banaanbaxyo badan, sanadkii hore oo looga soo horjeeday musuqmaasuqa, iyo lacagta badan ee lagu kharashgareeyay Koobka Adduunka, iyo adeegyada dowladda sida waxbarashada iyo caafimaadka oo aan fiicnayn.

Laakiin warbaahinta ayaa sheegtay in codbixiyayaasha ay doorteen in la sii wado habka dowladda oo malaayiiin qof ka saaray saboolnimada.

Shabakada Baargaal.Net
Isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari
Nagala soo Xiriir E-mail Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain