October 24, 2014

GABAY: Milateriga Gaajadu Dishoo Gaardin Kari Waaye

SHARE

Cismaan Cilmi Guure (Cukaash) oo kamid ah saraakiisha cidamada xooga dalka Soomaaliyeed, horena usoo noqday taliyihii ciidamada ilaalada Madaxtooyada xiligii dawladii Madaxweyne Sheikh Shariif , hadana ahaa Taliye unug ka tirsan Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya oo u adkeysan waayey dhibaatada iyo Musuqmaasuqa Taliska ciidanka xooga Dalka ku hayaan Milateriga Soomaaliya ayaa tiriyey Gabay xasaasi ah, gabaygaas oo xalay laga sii daayey idaacadaha Muqdisho gabayga oo si gaar ah u loogu tiriyey Taliyaha Ciidamada Xooga dalka General Indhaqarshe, sidoo kalena gabaygu wuxuu taabanayey Taliska Saadka iyo Logistikada oo uu hogaamiyo Col Abdullahi Mo'alin Nur.

Subaxnimadii maanta ayuu General Indhaqarshe u taxaabay xabsiga dhexe taliye Cukaash,

Cismaan Cilmi Guure (Cukaash) wuxuu gabayga ku muujiyey dhibaatada Milateriga Somaliya ku hayaan Taliska ciidanka Xooga iyo Saadka, sidoo kale gabayga wuxuu uga hadlay cawaaqibka ka dhashay ciidamada mushaarkooda iyo garaamkooda la lunsado oo laamiyada dhigtay isbaarooyinka, Jidgooyooyinkaa ciidamadu dhigtaan oo safarka lagu dhibateyo ayeysan wax ka qaban Taliska ciidamada Xooga iyo Maxkamada Ciidamada xooga-ba, Maxkamada Ciidmada ayaa shaqadeda kusoo kobtay dhalinyarada Xarakada Alshabaab ee nabadsugidu kusoo qabato hawlgaladeeda.

Qeybta Koowaad ee Gabayga (FARIIN QARAN)

In dhoweydba waataan ka tegaygabayadeydiiye
Gacmahaan ka laabtoo marhore baan ka gaabsadaye
Anoon gebin inaan u ganbiyo waan go'aansadaye
Markii ley gardaadiyay-ba waa soo gunaanadaye
Maanta waxaan tirinayaa gabay gun iyo baac dheere
Nin gaboobay iyo wiil gu' yari gaari mahayaane
Geeduhu kuyaalaan aqaan oon kasoo guriye
Aduunyada markii uu gilgilay gocosho weyn reebye
Kumanaan aan geerida rabine baqo is giijeene
Gaanjada markii aan ka jaray gaaskibaa fidaye
Gal xareeda niman buu u yahay dhaay lasoo gadaye
Nin kalana gantaal buu ku yahay gubaya laabtiisa
Ha gadoodo ruuxii rabee waan ku godayaaye
***********
Milateriga gaajadu dishoo gaardin kari waaye
Milatariga gaabsanahayee goodin kari waaye
Milateriga gaadiid wadada gooshi kari waaye
Milateriga goobihii dagaal guul ka dhalin waaye
Milateriga gobanimo ka tegay ee gunnimo doortay
Oo cadawga goonyaha fadhiya gaari kari waaye
Waxa geeyay heerkaas hadaan maanta garan weynay
Guuleystayaalow wax badan baan ka gaabinaye
Gaashaandhigeenow adaan kuu geliin nahaye
Maxaan geysh dhisnaa taliskibaa cunni garaamkiiye

***********
Galhayeeri Gudaha Jowhar iyo Gobolka Hiiraana
Galgaduud ilaa Gaalkacyiyo Garoowe Meesheeda
Ama Guriga Buuhoodle iyo Seylac Guradeeda
Gebiley Waqooyiga Galbeed Harar Gadaasheeda
Hadii aan Godey iyo Wardheer Doolo soo Geliyo
Goof Guddudka Baydhabo ilaa Gedo aan Gaarsiiyo
Nimankaa garaadada dhigtoo Geela ku Ilaalsha
Guutooyinkii kala tegiyo Gaaskii kala yaacay
Mar labaad haddii loo guntadoo goob isugu keeno
Gaashaandhigeenow adaan kuu Galiin Nahaye
Maxaan Geysh Dhisnaa Taliskibaa Cunni Garaamkiiye

***********
Garoomada hadaan xaaqno oo ciidan soo gelino
Sida loo gambado misana cadawga loo guulo
Gaataan socod hadaan barniyo gaado ka ciyaarka
Kaaraha gurguurtiyo hadaan hawser soo gadano
Geyigeenu waa nabad markay guluf dhaqaaqaane
Gaashaandhigeenow adaan kuu geliin nahaye
Maxaan geysh dhisnaa taliskibaa cunni garaamkiiye
***********
Anoo godol ka maalaa ninkii gaagaxshaa tahaye
Naasaha ninkii gooyey oo gawracaa tahaye
Ninkii gacanta noo geliyaad aheyd guuldariyo hooge
Risaqaad gureysiyo waxaad gabagabeynayso
In aduun gabaawsi yahay go'aha yow sheega
Goobroonta aad shiriniyo sixirka aad goobeyni
Guntimadaad xireysiyo ogahay meeshaad gelinayso
Ma galado ilaah marnaba ruux gabood fala e
Jahanama waxaa gala ninkii diinta gaasira e
Gaashaandhigeenow adaan kuu geliin nahaye
Maxaan geysh dhisnaa taliskibaa cunni garaamkiiye
***********

Giir baan gelshaa meel hadaan gaar isleeyahaye
Waxaan galo waxaan gudo ninkaan garanba yeelkiiye
Anoo qaranka guubaabinaa gool hadaan dhaliyo
Gef inaad u aragtaahu waa kuu garaad yariye
Gar baa loo dhigtaa ruux hadduu kaa abaal gadoe
Dacwo inaad sharciga geysataa waa gudboon tahaye
Gaashaandhigeenow adaan kuu geliin nahaye
Maxaan geysh dhisnaa taliskibaa cunni garaamkiiye
***********

Nabsi wuxuu gurguurtiyo wuxuu soo hergalo geedba
Wuxuu guura leyliyo wuxuu geedi soo yahayba
Sida bahalka goodkaa wuxuu soo galaangalaba
Wuxuu soo gafleeyiyo wuxuu guuxa soo laliyo
Mar unbuu gab soo dhihi halkay gogoshu kuu taalo
Gurigaaga adigoo galaa gaar lagaa qabane
Isugeey gacmaha kaa go'ee gaalshiraad geliye
Gaashaandhigeenow adaan kuu geliin nahaye
Maxaan geysh dhisnaa taliskibaa cunni garaamkiiye

Shabakada Baargaal.Net
Isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari
Nagala soo Xiriir E-mail Baargaal@gmail.com
Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya
SHARE

Author: verified_user