Halkaan ka daawo Moringa lagu beeray Magaalada Baargaal

Moringa lagu beeray Magaalada Baargaal
Geedkana magaciisa la yiraahdo Moringa oleifera waa geed faaiidooyin badan oo aan la soo koobi karin leh

Nafaqada ku jirta Moringa aad bay u badan tahay inta la yaqaan waxaa ka mid ah Vitamins, Minerals iyo Antioxidants, nafaqooyinkaasi waxay lagama maarmaan u yihiin koritaanka, caafimaadka iyo quruxda dadka iyo nafleyda oo idil.

Dadka isticmaala geedkaas waxay sheegaan inay kaga bogsadeen xanuuno badan oo ay tabanaayeen

Mudooyinkii danbe waxaa aad looga beeraayay beeraha iyo gudaha guryaha magaalada Baargaal waxaana kaloo lagu qurxiyay dhismayaasha shirkadaha iyo hotelada ka dhisan magaalada Baargaal

Ilaahay ha ka abaalmariyo dadkii geedkaas faaiidooyinka Badan leh soo gaarsiiyay deegaanka walina wada ololihiisa .



Shabakada Baargaal.Net
Isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari
Nagala soo Xiriir E-mail Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain