Madaxweynaha Puntland oo Magacaabay 13 Agaasimayaal Wasaaradeed (Akhriso Liiska Magacyada iyo qabiiladooda)

Madaxweynaha Puntland oo Magacaabay 13 Agaasimayaal Wasaaradeed Liiska Magacyada iyo beelaha ay ka soo jeedaan

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta Wareegto kasoo baxday Xafiiskiisa uuna warbaahinta u akhriyey Afhayeenka Madaxtooyada C/laahi Maxamed Quraan Jecel, lagu magacaabay13 Agaasime Guud.

Waxaan sidaan u qornayd Wareegtadii lagu magacaabay Agaasimeyaashaas:-Agaasimeyaasha la Magacaabay iyo Wasaaradaha loo Magacaabay.

1:- Muno Daahir Dalmar Agaasimaha Guud ee wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Bohogayslabe ( Warsangalia)
2:- Rooble Faarax Ciise Agaasimaha Guud ee Garoomada iyo Duulista Hawada (Cumar Maxamuud)
3:- Ibraahim Xareed Cali Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka (Siwaaqroon).
4:- Maxamed C/qaadir Cismaan Agaasimaha Guud ee wasaaradda Xanaanada Xoolaha (Cali Saleebaan).
5:- Yaasiin Cali Yuusuf Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda (Cismaan Maxamuud) wuxuuna ka yimid Dalka Australia gaar ahaan Melbourne.
6:- C/risaaq Maxamed Cali Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka, Dalxiiska iyo Duurjoogta (Cismaan Maxamuud ) .
7:- Maxamed Cali Faarax Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladaha Hoose iyo Horumarinta reer Miyiga (Ciise Maxamuud ) .

8:- Cabdi Khadar Muuse Guure Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga (Ciise Maxamuud ).
9:- C/risaaq Xasan Maxamed Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Qaybta DDR-ta (Cumar Maxamuud ).
10:- Daahir Maxamed Muuse Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha(Qaybta Ganacsiga) Leelkase (Reer Judhe) .
11:- C/risaaq Yuusuf Shire Agaasimaha Guud ee wasaaradda ganacsiga iyo Warshaha(Qaybta Warshadaha) ( Xaniif- Dubays)Warsangali).
12:- Maxamed Ismaaciil Siciid Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, isgaarsiinta, Hidaha iyo Dhaqanka.
13:- Keyse Cabdi Cali Shire Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Wacays Cabdulle( Dhulbahante).

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka Deegaanada Calbari
Developed by Jago Desain