Madaxweyne Gaas oo la kulmay Jaaliyada Puntland ee dalka Britian

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, oo Magaalada London ee cariga dalka Britian ugu qeyb galay Shirka Maalgeshiga Wadamada Afrika, ayaa Habeenkii xalay galbeedka Magaalada London, gaar ahaan Hotelka Gloucester, kula hadlay Jaaliyada Puntland ee cariga dalka Britian iyo Marti sharaf kale.

Munaasabada oo aheyd mid Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas lagu soo dhaweynayay, isla markaana dhankiisa uu Jaaliyadda ugu warbixinayay Xaalada Puntland iyo shirarkii uu ugu qeyb galay dalka Britian, ayaa waxaa ku sugnaa oo lagu casuumay Ra'iisul Wasaarihii hore ee Dowladii KMG Soomaaliya, Mudane Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).

Dr. Gaas ayaa Jaaliyadda Puntland ee dalka Britian ugu warbixiyay xaalada guud ee deegaanada Puntland, Horu-marada ay Dowladiisa sameysay iyo Hiigsiga Mustaqbal ee Dowladiisa ka damacsan tahay deegaanada Puntland, waxa uuna carabka ku dhiftay in Puntland ay cagta saartay wadadii Horu-marka.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale xusay in Puntland ay guulo ka gaartay shirarkii ay kaga qeyb gashay Magaalada London, gaar ahaan kii Maalgeshiga Afrika, oo uu Madaxweyne Gaas sheegay in Caalamka uu ka gaday dhulka Soomaaliya gaar ahaan Puntland, waxa uuna carabka ku dhiftay in ay jirto rajo ku aadan Maalgeshi lagu sameeyo dhulka Puntland.

Waxa uu Jaaliyadda Puntland ee dalka Britian ugu Mahadceliyay soo dhaweynta ay u sameeyeen, isagoona dhinaca kale jaaliyada ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan horu-marinta iyo Maalgeshiga ka socda deegaanada Puntland.

Mar uu soo hadal qaaday xiriirka Puntland iyo Dowlada Soomaaliya, ayaa waxa uu Madaxweyne Gaas sheegay in la xaliyay Mad-madowgii u dhaxeeyay labada dhinac.

Munaasabada ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay Wasiirka Beeraha Puntland, Mudane Boos Cartan oo ka mid ah Wafdiga Madaxweynaha Puntland ku wehliyay Shirkii Maalgeshiga Afrika, waxa uuna sheegay in Puntland ay xilligaan ku Mashquulsan tahay dhinaca wax soo saarka oo rajo badan laga qabo.

Xiriiriyaha Maamul Goboleedka Puntland Iyo Dowlada Britian, Mudane Cabdulqaadir Jabriil, ayaa sidoo kale ka hadlay Kulankii lagu soo dhaweynayay Madaxweynaha Puntland, isla markaana warbixinta loogu shageysanayay, isagoona Jaaliyada Puntland ee Britian ugu Mahadceliyay sida ay ugu qeyb qaateen soo dhaweynta Madaxweyne Gaas.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Marwo Batuulo Shiikh Axmed Gabale ayaa ka mid aheyd Marti sharaftii ka hadashay Kulanka, iyadoona Maamulka Puntland ku Amaantay Horu-marka ay ku tilaabsadeen, waxa ayna dhinaca kale hoosta ka xariiqday in Haweenka Soomaaliyeed ay soo dhaweenayay cid waliba oo ka shaqeysa Nabad iyp Horu-mar.

Ugu danbeyn waxaa kulanka ka hadlay Khaliif Mandela oo ku hadlayay Magaca Odayaasha Puntland ee dalka Britian iyo Cabdicasiis Xildhibaan oo ka mid ah Qorayaasha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Britian,
iyadoona labadooda ay ku nuux nuuxsadeen Horu-marka iyo Maamul Wanaaga Puntland, waxa ayna Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ku Booriyeen in uu horey usii wado Hiigsiga Puntland.

Munaasabadan lagu soo dhaweynayay Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa intii ay socotay waxaa lagu soo bandhigay, Gabayo, Buraanbur iyo Heeso isugu jiro guubaabo iyo Wadaniyad, iyadoona ay ka qeyb qaadanayeen qaar ka mid ah Fanaaniinta iyo Abwaaniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Britian.

Shabakada Baargaal.Net
Isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari
Developed by Jago Desain