Markabkii sidey Qalabka lagu dhisayo Garoonka Diyaaradaha Boosaaso oo maanta kusoo xirtey Dekada Boosaaso

Waxaa maantay ku soo xirtay Dekada xarunta Ganacsiga Puntland ee Boosaaso Markabkii siday Qalabkii lagu dhisi lahaa Garoonka Diyaaradaha Bosaso.

Waxaana dekada Boosaaso ku soo dhaweeyay markabka siday qalabka dhismaha masuuliyiinta Gobolka Bari

Markabka ayaa wuxuu sidaa dhamaan Qalabkii loo adeegsan lahaa dhismaha Garoonka Caalamiga ah ee Bosaso international Airport kaasoo noqon doona Garoonka Soomaaliya ee leh laamiga ugu dheer ee ay diyaaraduhu ku ordaan.

Waxaa la qiyaasayaa in howsha garoonku ku dhamaato mudo sanad ka yar, Sida ay balan qaadey shirkada Shiinaha ee dhisaysa Garoonka.

Shabakada Baargaal.Net
Kala Soco Wararkii Ugu warar & Warbixino
Nagala soo Xiriir E-mail Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain