Posts

Qaramada Midoobay oo ka digtay roobab fatahaad wata oo kusoo fool leh gobolada Waqooyi ee Soomaaliya

Haya'dda saadayaasha hawada Qaramada Midoobay ayaa ka digtay roobab mahiigaan ah oo fatahaad wata oo kusoo fool leh gobolada waqooyi Soomaaliya oo ay Puntland maamusho.

Qiimayn hay'addu sameysay ayaa lagu sheegay in roobab xoog leh ay ka da'idoonaan qaybo badan oo ka mid ah waqooyiga Soomaaliya ee Puntland, iyadoo gobollada waqooyi bari ay helidoonaan roobab dhexdhexaad ilaa kuwo sare, inta lagu guda jiro saddexda maalmood ee soo socota.

Gobollada Bari, Nugaal, Sool iyo Sanaag ayaa laga yaabaa inay ka da`aan roobab xoog leh oo daadad ku fatihiya dhulalka meelaha hoose ku yaalla, Qaybaha koofureed iyo bartamaha ayaa la filayaa inay sii qallalnaadaan inta lagu guda jiro muddada saadaasha.

Saadayaashaan waxaa soo saartay hay'addaha Qaramada Midoobay uqaabilsan qiimaynta roobka ee FOA / Somalia Water and Land Information Management (SWALIM).

Waxaana dadka goboladaas ku nool lagu war galiyay inay ka feejigaanaadaan haddii ay saadaashu dhab noqoto.

Xigasho: http://www.faoswalim.org/sites/default/files/Somalia_Rainfall_Forecast_021 02014_0.pdf

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka Deegaanada Calbari
Developed by Jago Desain