Qaramada Midoobay oo meel marisay dhowr qodob oo Somalia ku saabsan

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa fadhi ay yeesheen maanta ku meel mariyey qaraar ku saabsan cunaqabateynta Somalia, sidoo kalena ay mudo kordhin hal sano ah loo sameeyay hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Golaha ayaa isku raacay in la baaro maraakiibta lagu tuhunsan yahay in ay ku xadgudbayaan cunoqabataynta hubka iyo dhoofinta dhuxusha ee saaran dalka Soomaaliya.

iyadoo qaraarkaan uu u fasaxayo ciidamada shisheeye ee la dagaalama burcad badeeda inay kusoo daraan qorshe ah baarista maraakiibta ka shiraacda dekaddaha Somalia, si looga baaro dhuxul, sidoo kale in la baaro maraakiibta kusoo jeeda Somalia si loo hubiyo inay hub wadaan.

SIdoo kale Goluhu wuxuu meel mariyay in ciidamada AMISOM howlgalkooda u sii soconayo illaa 30-ka bisha Oktoobar ee sannadka 2015, iyagoo sidoo kale sheegay in dowladda Somalia aysan keensan karin hub, rasaas iyo qalab milateri ama tababarayaal iyo la taliyeyaal ka badan baahida ay dib ugu dhisayso ciidamadeeda qalabka sida.

Golugu wuxuu kaloo ansixiyay in dowladda Somalia ay ku wargelisaa QM hubka ay soo iibsato sida ay u isticmaasho sanad walba labo jeer bilaha March iyo September.

Xubnaha Golaha Amaanka ayaa soo dhoweeyay tallaabooyinka ay dowladda Somalia ku doonayso inay ku xakameyso hubka iyo qalabka kale ee ciidanka, kuwaasoo loo sameyn doono guddi dabagal ku sameeya hubka la xado

Wuxuu kaloo xubnaha golaha amaanka ay ugu baaqeen Dowladda in in ay fuliso qorshaha geeddi socodka dalka ee sanadka 2016 lagu gaarsiinayo in doorasho ka dhacdo, iyadoo aysan jirin wax dib u dhac ah. Golaha ammaanka ayaa cambaareeyay sii socoshada dhoofinta dhuxusha Soomaaliya, iyagoo sheegay in dhoofinta dhuxusha ay tahay mid xadgudub ku ah cunno-qabteynta Qaramada Midoobay, lana ganaaxi doono cid walba oo lagu helo iyadoo dhuxul dhoofinaysa.

Goluhu wuxuu sidoo kale cambaareeyay in hubka dowladda Soomaaliya uu gacanta u galo Al-shabaab iyo kooxaha kale ee hubeysan oo ciidanka dowladda aan ka mid ahayn, iyagoo muujiyay walaaca weyn ee ay is-daba-marinta hubka ka qabaan.

Ugu dambeyn, golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa isku wada raacay in guddiga daba-galka cunno-qabteynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea ay sii shaqeeyaan illaa 30-ka November 2015-ka.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka Deegaanada Calbari
Developed by Jago Desain