Qododbadii kasoo baxay hishiiskii ay wada gaareen dowlada Puntland iyo dowlada federalka Soomaaliya

Dowladda Federaalka iyo Puntland ayaa ku heshiiyey 12 Qodob oo ka soo baxay shirkii wadaxaajoodka ahaa ee u dhaxeeyay labada dhinac

qodobadii kasoo baxay wada xaajoodkii u dhexeeyay dowlada Puntland iyo dowlada federalka Soomaaliya.

1) Dowlada federalka Soomaaliya waxay ka gaarabaysaa dooda dowlada Puntland ee ku aadan wax kabadalka dastuurka waxayna labada dhinac isku raaceen inay ka fadhiistaan labada barlamaan.
2)Waxaa la isku raacay dhameystirka iyo dar dar galinta dastuurka kmg ee Soomaaliya, iyadoo loo marayo sida uu dastuurku qabo.
3) Waa la isku afgartay in dowladaha kamid noqonaya dowlada federalka ay ku salaysnaadaan dastuurka sida uu qorayo.
4) Dowlada federalka iyo Puntland waxay isku raaceen in dhismaha maamulka gobolada dhexe uu ku koobnaado koonfurta Mudug iyo Galgaduud.
5) Waxaa la isku raacay in la dhiso ciidamo qaran oo Soomaaliyeed sida uu dhigayo hishiiskii bishii March 2013 ay wada gaareen reysal wasaarihii hore ee Soomaaliya iyo Madaxweynihii hore Puntland.
6) Labada dhinac waxay isku raaceen in la fuliyo hishiisyada hore ee ay wada galeen labada dhinac, iyadoo uu saldhig u yahay hishiiskii ugu dambeeyay.
7) Dowlada federalka Soomaaliya iyo kuwo Puntland waxay isla qaateen fududaynta hishiisyada horumarineed iyo kuwo caalamiga ah, waxaana loogu dhaqmayaa sida uu qorayo dastuurka qodobkiisa 53-aad.
8) Guddiyada labada dhinac waxay ku hishiiyeen qeybsiga deeqaha caalamiga ah ee lagu helo magaca Soomaaliya.
9) Waxay labada dhinac isla qaateen inaan ilaa iyo hadda wax wada tashi buuxa laga yeelan hiigsiga 2016. waxayna ku hishiiyeen in arintaas wada hadal laga yeesho si looga gudbo caqabadaha jira.
10) Labada dhinac waxa isla qaateen wixii hanti ah oo loosoo celiyo ummadda Soomaaliyeed in loo qeybsado si cadaalad ah, habka loo marayna uu yahay mid cad oo laga wada tashaday.
11) Dowlada federalka Soomaaliya waxay aqoonsan tahay shahaadada dugsiga sare ee dowlada Puntland oo lagu hishiiyay Dowlada federalka waxay dowlada Suudaan ugudbinaysaa qoraal ay ku cadaynayso inay dowlada Puntland qaado imtixaan midaysan oo ay aqoonsan tahay dowlada federalka Soomaaliya.
12) Labada guddi waxay isku raaceen in la iskusoo celiyo hantida la kala haysto sida ku cad hishiiskii la gaaray bishii march ee sanadkii 2013.

Waxaana dowlada federalka laga codsaday inay dadajiso iskusoo celinta hantida si loo helo dib u hishiisiin.

Waxaa Puntland u saxiixay heshiiskaas Madaxweynaha Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas halka dowladda Federaalka uu u saxiixay Ra'iisal Wasaare Ca/wali Shekh Axmed.

Waxaa goobjoog ka ahaayeen Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Saciid Xasan Shire, Gudoomiye ku xigeenka labaad Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mahad Cadballe Cawad, wakiilka QM Nicholas Kay, Danjiraha Ururka Goboleedka IGAD Maxamed Afey iyo Dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya sida Ethiopia oo qunsulka Puntland u jooga

Shabakada Baargaal.Net
Isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari
Nagala soo Xiriir E-mail Baargaal@gmail.com
Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya
Developed by Jago Desain