Raiisul Wasaaraha Soomaaliya oo jawaab ka bixiyay diidmo uu madaxweynuhu kala horyimi isku shaan dheen uu sameeyay

Raiisul Wasaaraha dalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa jawaab ka bixiyay diimo uu madaxweynaha Soomaaliya kala horyimi isku shaan dheen uu sameeyay raisul wasaaruhu.

Raisul Wasaare Cabdiweli ayaa qoraakiisu sidaan u dhignaa;

"Hannaanka dawladnimo iyo haykalka siyaasadeed ee dalka soomaaliya waa mid maraya meel xasaasi ah,waxaana haboon in la dhawro dastuurka & sharciga dalka u degan.
Masuulka kasta oo maqaam sare ka haya dawlada federaalka ah ee Soomaaliyeed waxaa looga baahan yahay inuu si wadanimo, geesinimo & hawlkarnimo leh u guto waajibaadkiisa shaqo. Lama joogo waqtiigii shaqsiga la jecleysan jirey balse waxaa la joogaa waqtigii shacabka soomaaliyeed ee dhibaatada lixaadka leh haysato la badbaadin lahaa. Waa dhamaaday waqtigii isjiid-jiidka iyo siyaasada qalafsan lagu dhaqmi jirey,waxaana golaha wasiiradda iyo xukumaddaba looga fadhiya inay laba jibaaraan hawlahooda shaqo si dalku marxaladaha uu marayo looga gudbo loona qabto shaqo adag oo na hor taal.

Shacabka soomaaliyeed waa dad jecel nabada,horumarka iyo dawladnimadda, waana dad doonaya inay ka soo kabtaan dhibaatadii mudada badan soo jiitamaysay,mana dhici doonto in shacabka soomaaliyeed la caburiyo masiirkooda iyo rabitaankoodana lagana horyimaado.

Hadal yar, hawl-badan & Hanuunsanaan baa inoo balan ah. Mahadsanidiin".

Jawaabtan ayaa soo baxday ka gadaal markii Madaxweynaha uu wax kama jiraan kasoo qaadey isku shaandheynta uu Golaga Wasiirada ku sameeyay R/Wasaarahu , waxaa uuna amray Wasiirada ay saameysay isku shaandheyntaasi inay shaqadooda sii wataan wasiir kastana uu kasii shaqeeyo Booskii lagu ogaa.

Shabakada Baargaal.Net
Isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari
Nagala soo Xiriir E-mail Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain