Posts

Ra’isal Wasaare Cabdiweli Oo Si Diirran Loogu Soo Dhaweeyey Caasimadda Puntland ee Garowe

Ra'isal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed oo Kasoo amba baxay Magaalada Muqdisho, ayaa Haatan gaaray Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Garowe oo ku jihaysnaa Safarkiisu.

Ra'iisal Wasaaraha iyo wefdigiisa, ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Garoowe, iyadoo ay soo dhaweentiisa ka qayb qaateen Madaxda Maamulka Puntland iyo boqolaal ka mid ah shacabka ku dhaqan Magaaladaasi.

Dadweyne fara badan, ayaa isugu soo baxay wadooyinka Magaalada Garoowe, iyagoo wata boorar lagu soo xardhay ereyo lagu ammaanaayo Xukuumadiisa, sidoo kale waxay dadku sare u lulayaan sawiradiisa.

Ra'iisal Wasaaraha Somaliya iyo wefdigiisa, ayaa waxaa loo galbiyay Aqalka Madaxtooyada ee Magaalada Garoowe, halkaasoo ay kulamo kula leeyihiin Madaxda Maamulka Puntland.

Lama garanaayo waxyaabaha ay labada dhinac ka wada hadli doonaan, balse waxaa la ogyahay in billihii ugu dambeeyay uu xumaa xiriirka Dowladda iyo Maamul Goboleedka Puntland,

Ra'iisal Wasaaraha, ayaa waxaa suurta gal ah in Magaalada Garoowe uu kula soo kulmo ururada bulshada rayidka ah ee ka jira, waxana laga sugayaa war ay ku farxaan shacabka somaliyed oo la xiriira in la dhameeyo xurgufta dhextaalla Muqdisho iyo Garowe.

Shabakada Baargaal.Net
Isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari
Nagala soo Xiriir E-mail Baargaal@gmail.com
Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya
Developed by Jago Desain